Published On: Wed, Apr 17th, 2019

#Somaliland: Madaxweynaha Oo Booqday Aasaarta Qadiimiga Ah Ee Deeggaanka Laas-Geel

Smiley face

Laas-geel(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa booqday goobta Aasaarta qadiimiga ah ay ku duugan tahay ee deeggaanka Laasgeel ee Bariga Magaalada Hargeysa.

Dadka Deeggaanka Laas-Geel oo soo dhowaynaya Madaxweynaha Somaliland iyo Wefdigiisa 16 April 2019
Dadka Deeggaanka Laas-Geel oo soo dhowaynaya Madaxweynaha Somaliland iyo Wefdigiisa 16 April 2019

Madaxweynaha Somaliland oo ay weheliyaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, madax-da dhaqanka, siyaasiyiin, maamulka gobolka Maroodi-jeex iyo ka degmada Laas-geel, ayaa gelinkii dambe ee shalay goob-goob u galay meelaha taariikhiga ah ee ku yaalla Laas-geel oo ka mid ah meelaha ugu habboon dalxiiska ee ku yaal Somaliland.

Saraakiisha maamulka degmada Laas-gaal iyo hawlwadeenada gacanta ku haya goobaha Aasaarta qadiimiga ah, ayaa Madaxweynaha iyo wefdigiisa kusoo dhoweeyay deeggaankaa.

Guddoomiyaha degmada Laas-geel Mustafe Ibraahim Cismaan (Jebiye) oo halkaa ka hadlay, ayaa madaxweynaha uga warbixiyey waxyaabaha taariikhiga ah ee deegaankaasi caanka ku yahay iyo weliba godad iyo dhagaxaan baaxad leh oo la rumaysan yahay inay hoy iyo qasriyo u ahaayeen ummado hore halkaas u degenaa qiyaastii 6,000- 6,500 sannadood ka hor dhalashadii Nebi Ciise (CS).

Wasiirka wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo dalxiiska, Mudane Maxamud Xasan Saacid (Saajin), ayaa isaguna dhinaciisa faahfaahiyey muhiimadda ay qaranka u leedahay goobta taariikhiga ah ee Laas-geel, waxana uu tilmaamay inay wasaarad ahaan ilaalinteeda xil weyn iska saareen, kuna wareejiyeen deyr weyn iyo laydhka ku shaqeeya tamarta cadceeda oo qayb ka ah tallaabooyinka ay ku doonayaan inay goobtan ka dhigaan meel lagu soo hirta oo ay u dhammaystiran yihiin wax kasta oo ay dadka dalxiisayaasha ahi u baahan yihiin.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna ugu horrayn waxa uu u mahadnaqay guud ahaanba hay’adaha Dalxiiska iyo cidkasta oo hawshaas ku shaqo leh, gaar ahaan dadka ilaaliya goobaha Laas-geel, waxana uu tilmaamay inay Somaliland caan ku tahay buqcad caan ku ah dalxiiska, islamarkaana loo baahan yahay in laga faa’iidaysto.

Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in dalxiisku yahay Il dhaqaale oo dalka dakhli badani kasoo geli karo, islamarkaana ay Somaliland leedahay goobo badan oo loo dalxiiso,  “Waxan qabaa inuu dalxiisku yahay meel aynnu dhaqaale faro badan ka heli karno oo macdanta la daydayayo iyo xoolaha aynnu dhaqanno in badan ka badan karta, haddii aynnu helno farsamadeeda, waayo waxa aynnu leenahay dhul adduunka oo dhammi yaqaanno oo dalxiiska caan ku ah oo haddii aynnu habaysanno, dadkeedii noqonno oo dadka inoo imanayaa ay inaga helaan nabad iyo wax wada-qabsi aynnu lacag badan ka helayno, oo gobollada oo dhan ah,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley face Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face

Araweelo is an Associated Network News, The most trusted source for news & Political,investigator report,Human Rights Issues,Educations,Social and Democracy ,Latest News Horn of Africa. runs Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist based in Somaliland.

Chat with us on WhatsApp