Hargeysa(ANN)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Ereterea Iyo Wefdi uu hoggaaminayo, ayaa maalintii labaad ku sugan magaaladda Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, kadib markii ay shalay booqasho ku yimaadeen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalilad, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa casho-sharaf ku maamuusay Qasriga Aadaxtooyadda caawa weftiga oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda dalka Ereteria, Mudane Cismaan Saalax Maxamed oo booqasho saddex maalmood ah ku joogi doona Somaliland, sida ay warbaahinta ka sheegeen markii ay kasoo degeen Madaarka Hargeysa shalay.

Casho-sharafta uu madaxweynuhu u sameeyey weftiga ka socda dalka Eritrea. ayaa waxa ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirrada wasaaradaha arrimaha dibadda iyo is-kaashiga caalamiga ah, Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faro-toon), arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Gaashaandhigga, Mudane Ciise Axmed Yuusuf, Horumarinta maaliyadda, Mudane Sacad Cali Shire, Qorshaynta iyo horumarinta qaranka, Mudane Cawaale Ibraahim Shirwac, Waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Cismaan Jaamac Aadan, guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali-waraabe, dublomaasiyiin iyo marti-sharaf kale.