Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay shaqaaqada colaadeed ee muddada ka taagnayd deegaanka Ceel-Afweyn iyo guud ahaanba gobolka Sanaag, wuxuuna bulshada ugu bushaareeyey inay arrintaasi marayso marxalad farxad  iyo yididiilo badan leh.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa hadalkaa maanta ka sheegay mashruuc ay shirkadda Dahabshiil Group dalka ku keenayso gaadiid casri oo ay samayso shirkadda caalamiga ah ee Dahabshiil Hyundai Motors, wuxuuna bulshada ugu bushaareeyey in laga gudbay dhammaanba caqabadihii hor taagnaa colaadahaas, marka laga tago waafajinta heshiiska ee dhinaca sharciyadda.

, “Arrinta Ceerigaabo nabad baa ka jirta, werwerna kama qabno inay nabad ku dhammaanayso, dadkaa halkaas isugu tegay, kuwa sii joogay iyo kuwa u tegeyba dhammaanteen waxaynu heshiis ku nahay inay arrintaas nabad ku dhammaato oo ay islaax dhexdeenna ah ku dhammaato oo aanay waxba inaga duul duulin, sidii sharciga loo waafajin lahaa uun baa la is weydiinayaaye”

Madaxweynaha, ayaa intaa raaciyay, ” Maanta halkaas khilaaf ka taagan oo la isku diiddan yahay dawlad, odayaal iyo dhallinyaradeennii cadhootay midna ma jirto, qodobbo yar yar uun baa la xallinayaa sidii sharciga loo waafajin lahaa, taana ka war war la’aada nabad bay kusoo dhammaanaysaaye, dalkuna waa nabad.” ayuu yidhi, Madaxweyne Muuse Biixi.

Hadalka Madaxweynaha, ayaa daba socda isku dayo ay muddooyinkii ugu dambeeyey ku hawlannaayeen madax-dhaqameed iyo waxgarad reer Somaliland ah oo u guntaday sidii colaadda gobolka Sanaag loo soo afjari lahaa, kuwaas oo garab iyo wada-shaqaynba ka helay xukuumadda iyo guud ahaanba maamulka gobolka Sanaag.