#Araweelo_News_Network.

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa gollaha wakiillada u gudbiyay xubinta Xisbiga mucaaradka ee WADDANI ugu jiray Guddida Doorashooyinka Qaranka.

Madaxweynaha ayaa saaka Warqada eeddaynta Kominshineer Cabdicasiis Xirsi Warsame oo ah xubintii Guddida Doorashooyinka u metelayay xisbiga ugu weyn mucaaradka ee WADDANI u gudbiyay gollaha wakiillada.

Xubinta oo ay hore isu khilaafeen xubnaha guddida doorashooyinka, wuxuu Madaxweyne Biixi hore u sheegay inuu guddi u saarayo, balse mucaaradka ayaa xilligaa uga digay Madaxweynaha inuu qaado tallaabadaa, iyagoo ku doodayay in aannay ahayn mid sharci ah oo uu xaq u leeyahay Madaxweynuhu.

Mudanayaasha Gollaha wakiillada, ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay codka kalsoonida u qaadan, iyagoo eegaya in eeddaynta Kominshiner Cabdicasiis Xirsi Warsame tahay mid waafaqsan sharciga iyo xeerka guddida doorashooyinka iyo in aannay waafaqsanayn.

Xil ka qaadista xubinta Guddida Doorashooyinka ayaa xidhan go’aanka Gollaha wakiillada oo xaq u leh inay xilka ka qaadan Komminshiner Cabicasiis iyo innay diidan eeddaynta loo soo jeediiyey , kaddibna sidaa kaga mid ahaado 7 xubnood ee Komminshanka Doorashooyinka.