Hargeysa,(ANN)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay xaalada deegaanka Dhummay ee duleedka gobolka Soo loo muddooyinkii u danbeeyay collaad soo noq-noqotay ka taagnayd, kadib markii laba dhinac oo ka mid ah dadka deegaanka dagaal khasaare dhimasho iyo dhaawac sababay oo si weyn looga naxay dib uga soo cusboonaaday todobaadyadii u danbeeyay.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo maanta ka hadlayay Xuska Sannad Guurada 25aad ee Ciidanka Booliska Somaliland oo sannad walba la xuso 3 Nov, ayaa sheegay in deegaankaa ay kusoo waajahan yihiin ergooyin ka kala imanaya dhamaan dhulka Soomaalidu degto oo doonaya in ay qayb ka noqdaan dedaalka Xukuumadda Somaliland ku doonayso in lasoo af-jaro colaada soo noq-noqotay ee deegaanka.

Khudbada oo dhmaystiran halkan ka Daawo: