TelesomDahabshiil
Published On: Sat, Aug 1st, 2015

Somaliland: Madaxweyne Siilaanyo Oo Iclaamiyay Biyo Dhaammis

CukuseiyocadaaniBurco(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ku sugan magaalada Burco kaddib markii uu kasoo laabtay safar uu kusoo maray gobolada Bariga Somaliland, ayaa ku dhawaaqay Biyo Dhaammis deg deg ah in lala gaadho dadka iyo Xoollaha Abaartu ku habsatay ee deegaamada Somaliland.
Sidaana waxa shaaciyay Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Cukuse oo uu wehelinayo Wasiirudawlaha Maaliyada Cadaani Saxardiid oo xubno ka ah wefdiga Madaxweynaha ee ku sugan Burco, halkaas oo ay kaga dhawaaqeen Biyo dhaammis degdeg ah.
Wasiirka Warfaafinta Cabdullaahi Maxamed Daahir Cukuse, ayaa warbaahinta u sheegay in Madaxweynuhu iclaamiyey maanta oo ay taariikhdu tahay 1 August 2015, in guud ahaan goobaha ay ka jirto biyo la’aantu la gaadhsiyo Booyadaha Biyaha dhaamiya loona gurmado shacbiga iyo xoollaha Ooman ee Abaartu saamaysay.
“Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa amar ku bixiyay in Biyo la gaadhsiiyo dadka Biyo La’aantu hayso sida Awdal iyo Gebilay iyo Deegaamada Bariga Somaliland ee Hulluul iyo Ceel-Afweyn oo ugu sii daran, sidaa awgeed Madaxweynuhu wuxuu saacadan amray in dadkaa Biyo deg deg loo gaadhsiiyo, waxaana lagu wargeliyay wasiirka Maaliyadda oo wefdiga ka mid ahayd inay deg deg ugu baxdo si ay hawshaa Madaxweynuhu amray ee Biyo Dhaammiska u abaabusho, waxaynuna Illaahay ka baryaynaa inuu Dayrta inoo hagaajiyo” ayuu yidhi Cabdullaahi Cukuse oo warbaahinta la hadlay.
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.

About the Author

- #Arraale Mohamoud Jama is a freelance journalist and human rights activist with more than 20 years of experience as a professional journalist and human rights activist, as well as a writer and investigative journalist on a wide range of topics related to social issues, human rights, politics and security, economics, democracy, and good governance. He has written extensively on regional and international events, and has worked Somaliland newspapers, and Human rights organization. In 2008, he created the website #Araweelo #News #Network, and is based in Somaliland and is currently managing it; #Arraale is a specialist in investigating and reporting on human rights, democracy, security, and good governance issues. Contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Human Rights

Businesses

Pin It