Share this:

" />
Telesom Dahabshiil
Published On: Sun, May 7th, 2017

Somaliland: Madaxweyne Siilaanyo Oo Xil Ka Qaadis Iyo Magcaabis Sameeyay

Araweelo News Network

WAR-SAXAAFADEED

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4734/052017, uu xilka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka (Road Development Authority) ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Ujeeddo: Xil-ka Qaadis

Ku: Mudane, Xasan Cali Cismaan,

Maareeyihii Hore ee Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka JSL

Mudane, Waxaan aad kuugu mahadinayaa muddadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Magacaabid

Madaxweynuhu: Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Wakaaladda Horumarinta Waddooyinku (RDA) u leedahay dhismaha iyo horumarinta Qaranka;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka ee Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Ibraahim Siciid Cilmi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka (Road Development Authority) ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu wareejiso xilka aad haysay Mudane, Ibraahin Siciid Cilmi, oo aan xilka Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka ee Jamhuuriyadda Somaliland u magacaabay.

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

About the Author

- Arraale Mohamoud Jaama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a website based in Somaliland. Arraale is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 <https://web.whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Araweelo is an Associated Network News, The most trusted source for news & Political,investigator report,Human Rights Issues,Educations,Social and Democracy ,Latest News Horn of Africa. runs Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist based in Somaliland.

Chat with us on WhatsApp