Share this:

" />
Published On: Mon, Jan 7th, 2019

Somaliland: Maxkamadda Degmada Ee Hargeysa Oo Ka Garnaqday 1,038, Dacwadood Sannadkii 2018

Smiley face

Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Hargeysa, Garsoore Cabdirashiid Beergeel ayaa shaaca ka qaaday in dacwadaha Ciqaabta ah ee Maxkamada soo galay Sannadkii dhamaaday ee 2018 ay gaadhayeen 1,038 dacwadood, kuwaas oo uu sheegay inay dhamaantoodba dhamaadeen.

Guddoomiye Cabdirashiid oo maanta kulan ku qabtay Xafiiskiisa uu kaga waramayey waxqabadkii Maxkamadda Degmada Hargeysa ee sannadkii dhamaaday , wuxuu hadalkiisa ku bilaabay:

“Dacwadaha Maxkamadda Degmada Hargeysa sannadkii dhamaaday ee 2018 soo galay waxay ahaayeen Kun iyo Sideed iyo Soddon (1,038) dacwadood oo Ciqaab ah, waxa dhamaaday 1037) dacwadood, waxa keliya oo socda hal dacwad oo imika garsoore garnaqeeda gacanta ku hayo. Dacwadahaa ayaa u kala qeybsamayey: dacwadaha Diin-Caayga ee maxkamada soo galay waxay ahaayeen 115 Ciqaab ah dhamaantood way dhamaadeen. Dacwadaha Waalid-caasiga waxa soo galay 160 dacwadood oo Ciqaab ah, waxa dhamaaday 159 dacwadood, waxa hadhay halka dacwad oo ah ta imika dhegeysigeeda lagu jiro.

Garsooraha Maxkamadda Degmadda Hargeysa Guddoomiye Cabdirashiid oo sii faahfaahinayey noocyada dacwadaha Maxkamada soo gaadhay, wuxuu yidhi,”Dacwada loo yaqaan Sarkhada waxay gaadhayeen 155 Ciqaab ah, dhamaantoodna way dhamaadeen. Dhaawaca fudud waxa soo galay 255 dacwadood, dhamaantood way dhamaadeen, dhaawacyadaa oo kala ahaa kuwo gacanta lagu geystay ama kuwo gawaadhi geysteen, ama shil baabuur ku yimi.

“Dacwadaha Fara-saarka bulshada dhexdeeda waxa ka dhacay, ee dacwadahooda Maxkamadda Deg qaaday sannadkii dhamaaday waxay ahaayeen 24 dacwadood, dhamaantood way dhamaadeen. Dacwadaha loo yaqaano Cayda Laf-jabka ah, waxa soo galay 37 dacwadood Maxkamada Deg, dhamaantood way dhamaadeen.

Guddoomiyaha Maxkamadda Deg Hargeysa oo weli tafaasiil ka bixinayey noocayada ay kala yihiin dacwadihii soo gaadhay sannadkii hore ayaa raaciyey,

“Dacwadaha loo yaqaano Tahdiida, ama bulshadu isku hanjabtay waxa dacwadahoodu na soo gaadheen 68 dacwadood, dhamaantood way dhamaadeen. Dacwadaha loo yaqaano Khasaaraha, ama mid gacanta laga geystay ama mid Gaadhi, waxay tiradoodu ahaayeen 105 dacwadood, dhamaantood Maxkamada Deg way ka garnaqday. Dacwadaha Tahriibta ama tahriibayaasha dadkii inna dhexsocday ee wadamadda jaarka ka yimi, 3 kiis ayaa dacwadahooda maxkamada soo galeen, dhamaantood way dhamaadeen.

“Dacwadaha ka dhasha ku gefida Xeerka nabadgelyada Wadooyinka waxa soo galay 71 dacwadood, dhamaantoodba waanu ka garqaadnay, waanay dhamaadeen, go’aana way ka gaadhay Maxkamadu. Dacwadaha loo yaqaano Shiidka, ama laba xaafadood Jaar ah oo is-shiiday, ama Gacan-ka-hadal dhexmaray, waxa soo galay 9 dacwadood, dhamaantood way dhamaadeen. Dacwadaha loo yaqaan Tuugo Qosy waxa soo galay saddex dacwadood, dhamaantood way dhamaadeen. Dacwadaha Anshax-xumada oo la soo qabtay dhalinyaro Gidaar wada fadhiya, ama gaadhi ku wada jira oo sidaa Booliisku gacantooda ku soo qabteen dadkaa oo maxrim kala ah waxa soo galay 8 kiis, ayaa soo galay Maxkamada, dhamaan sideedaa kiis go’aan ayaa laga gaadhay, waanay dhamaadeen.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda Deg Hargeysa Cabdirashiid Beergeel, isagoo raaciyey.

“Dacwadaha ka dhasha Dayacaada Qoyska waxa soo gaadhay Maxkamada 5 dacwadood, dhamaantood go’aamo ayey ka gaadhay Maxkamadu. Dacwadaha loo yaqaan Laba Guurka hal dacwad ayaa soo gaadhay Maxkamada, dacwadaana way dhamaatay, maxkamaduna go’aan ayey ka gaadhay. Dacwadaha iska-gelid Gurri sharci-daro ah ama Gurri aan kiisii ahayn oo qofku galay waxa soo gaadhay 4 dacwadood, dhamaantood way dhamaadeen. Dacwadaha la xidhiidha Ilaalinta Duur-jooga & Keymaha, waxa soo gaadhay 7 dacwadood, dhamaantood way dhamadeen.

Guddoomiyaha Maxkamada Degmadda Hargeysa Cabdirashiid Beergeel ayaa gebagebadii warbixin sannadeedkiisa ku sheegay guud ahaan dacwadihii soo gaadhay maxkamada sannadkii hore, waxaanu yidhi,

“Dacwadihii soo gaadhay sannadkii hore Maxmakada Deg Hargeysa Kun iyo Sideed & Soddon dacwadood, dhamaantood way dhamaadeen, dacwad keliya oo socota mooyee, waxa kaloo dacwadahan ka mid ahaa kuwo ku dhamaaday heshiisiin ama dacwad ka noqosho.

Warbixinta Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Hargeysa Md Cabdirashiid Beergeel ayaa muujinaysa dedaalka isaga & Hawlwadeenadiisu u mareen gudashada waajibaadkii ay bulshada JSL u hayeen, waana talaabo mudan dhiirigelin ay Guddoomiyaha Maxkamada Sare Prof Adan X Cali & Guddida Caddaaladdu kaga falceliyaan, isla markaana noqda miqyaas ay kula xisaabtamaan gudashada waajibaadkooda dhamaan masuuliyiinta Bahda Garsoorka.

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley face Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face

Araweelo is an Associated Network News, The most trusted source for news & Political,investigator report,Human Rights Issues,Educations,Social and Democracy ,Latest News Horn of Africa. runs Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist based in Somaliland.

Chat with us on WhatsApp