Hargeysa(ANN)-Kulan Labada gole ee Baarlamaanka Somaliland Guurtida iyo Wakiilada loogu yeedhay, ayaa dhicisoobay, kaas oo la doonayay in ay ku diidaan ama ku aqbalaan soo jeedinta  Xaalad Deg-deg ah ee Madaxweynuhu kusoo rogay deegamada gobolka Sanaag ee  Xeer Madaxweyne Lr. 04/042019.

Saaka subaxnaimadii hore, ayay kasoo xaadireen xarunta Baarlamaanka Somaliland oo amaankeeda aad loo ilaalinayay, waxaana kasoo xaadiray fadhigaa 107, xubnood, iyadoo uu fadhiga guddoominayay  Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Baashe Maxamed oo uu weheliyo Guddoomiye ku xigeenka  koowaad ee Guurtida  Siciid Jaamac, maadaama uu maqnaa Guddoomiyaha Guurtida  Saleebaan Maxmuud Aadan oo sharciyan xaq dastuurku u siiyay inuu guddoomiye fadhiyada labada gole.

Sawaxan, xan-shaqshaq  iyo xamaasad hoose, ayaa hadheeyay madasha  intii aanu fadhigu furmin, wuxuu  markii la hubiyay tirada xildhibaanada kasoo xaadiray fadhigaa oo ahaa 107, xildhibaan, ayuu Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax ku wargeliyay in laysugu yeedhay sidii ay ugu codayn lahaayeen xeerka Madaxweynuhu usoo gudbiyay, waxaana hadheeyay mar kale madasha  buuq iyo sawaxan, iyadoo mudanayaasha qaarkood ku dhawaaqayeen “Guddoomiye ha laga doodo iyo ereyo kale oo muujinaya in ay diidan yihiin meel marinta xeerkaa.

Hase yeeshee waxa markiiba  guddoomiye Baashe ku dhawaaqay  in codka “Aqbalaada iyo Diidmada” la geliyo, wuxuuna ku dhawaaqay in ay gacanta taagaan mudanayaasha ogol, iyadoo markii la tiriyay 38 xildhibaan aqbaleen, balse Guddoomiye Baashe, ayaa markii uu arkay tirada yare e aqbashay xeerka xaalada deg-dega ah, wuxuu intii aanu u gudbin cida diidan ku celiyay in tirada lagu celiyo,taas oo abuurtay sawaxan iyo buuq mar kale mudanayaashu madasha isla oogsadeen, wuxuuna Guddoomiye Baashe ku dhawaaqay in shirku xidhanyahay oo xildhibaanadu maalinta Sabtida isugu soo laabtaan fadhiga, sidaana waxa  ku dhicisoobay fadhiga labada gole oo ku dhammaaday sawaxan iyo buuq.

  Dhinaca kale Xaalada degdega ah ee Madaxweynaha Somaliland ku soo rogay degmooyinka Gar-adag, Ceel-Afweyn iyo Ceerigaabo oo ka tirsan Gobolka Sanaag, wuxuu ku sababeeyay xaalad dhinaca amniga ah, iyadoo maalmihii u danbeeyay ay deegaamadaa ka dhaceen dilal, balse waxa jirtay xilliyo ay deegaamadaa ka jirin colaado sababay dhimasho iyo dhaawac oo soo noqnoqday, kuwaas oo ugu danbayntii nabad laga aslaaxiyay oo aanay xilligan muuqaan xaalado dhinaca amniga ah oo la mid ah kuwii sannadii u danbeeyay ka taagnaa deegaamada , kuwaas oo dadka ku dhaqan xilligan la silcayaan dhibaatooyin xagga nolosha ah, isla markaana aanay haysan adeegyadii aasaasiga ahaa ee nolosha, sida Caafimaadka, Biyaha, Waxbarashadda, iyadoo ay u dheertahay dadka deegaanka raadadka ay ku yeesheen colaadaha iyo abaaraha soo noqnoqday oo xaalad adag geyaysiiyay nolosha dadka deegaanada gobolka Sanaag ee Xukuumaddu xaalada deg-dega ah kusoo rogtay.