Araweelo News Network.

“Haddii aan si dhab ah loo fekerin is-maandhaafku halkuu marayaa waxay ku danbaynaysaa meel adag, Col. Ibraahim Dhegaweyne

Hargeysa(ANN)-Col. Ibraahim Xuseen Dhegaweyne oo ka mid ahaa halgamyaashii Mujaahidiinta ahaa ee dalka Somaliland ka xorreeyay Taliskii Millateri ee Maxamed Siyaad Barre, ayaa ka digay is-maandhaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Xukuumadda Madaxweyne Biixi iyo labada Xisbi Mucaarad ee WADDANI iyo UCID.

Mujaahid Ibraahim Dhegaweyne, oo ka mid ahaa hoggaamiyayaashii Millateri ee SNM, kuwa ugu magaca dheer, wuxuu ka hadlay arrinta khilaafka u dhexeeya xukuumadda iyo labada Xisbi oo saamayn ku yeeshay gollaha waskiillada ee cusub, wuxuu ka digay in is-maandhaafka xilligan ee hadheeyay siyaasada Somaliland sababi karo inuu meel xun dalka gaadhsiiyo.

Laxidhiidha: Guddoomiye Xirsi Oo Madaxweyne Biixi Ugu Digay In Fawdada Dalku Kusii Socdo Uu Masuuliyadeeda Yeelanayo

“Haddii aan si dhab ah loo fekerin, oo aan deganaansho lagu darin, oo aan sharciga wixii qoran la raacin, meel xun ayay gaadhaysaa, is-maandhaafku halkuu marayaa wuu kala fogyahay, waxay ku danbaynaysaa meel adag, taasina wax baddan ayay ina gaadhsiinay.” ayuu yidhi, isagoo ka digaya xaaladda dalku marayo mar uu maanta Telefishanka BulshoTv waraysi koobban oo arrintaa la xidhiiidha la yeeshay.

Laxidhiidha: Somaliland: Madaxweyne Biixi Jawaabta Mucaaradka

Xukuumadda iyo Baarlamaankaba, wuxuu usoo jeediyay in ay raacaan sharciga Ummaddu dhigay, “Waa in la raaco sharciga ummaddu dhigatay, ama xukuumad ha ahaato ama Baarlamaan, sharcigana siduu u qoranyahay waa in loo daayaa, ayuu raaciyay hadalkiisa.

Laxidhiidha: Cabdiraxmaan Cirro Oo Ku Hanjabay In Muuse Aanu Madaxweyne Ahaanayn Oo Madaxweynayaashu Furnaan Doonnaan

Col. Ibraahim Dhegaweyne, wuxuu sheegay in aannay Maxkaddii Dastuuriga ahayd ee loo baahnaa weli dhisnayn, sidaa awgeed wuxuu soo jeediyay in la sameeyo Maxkamaddii Dastuuriga ahayd, “Maxkamaddii Dastuuriga ahayd ee kala saari lahayd wixii laysku qato ee Dastuurka ma dhisna, soddon sannadood ayaynu Maxkamad ku samayn weynay.” ayuu yidhi, isagoo tilaamamaya qabyada ka jirta maxakamadda Dasruuriga ah ee murranka dhinaca sharciga ka garniqi lahayd.

Laxidhiidha: “Somaliland Waanu Ka Tashanaynaa Haddii Aan Xasaradda Iyo Xumaan Ka Doonka Laga Deyn Guddoomiye Khaliif, Siyaasiyiinta Sool

Dhinaca kale, Mujaahid Ibraahim Dhegeweyne, wuxuu isagoo ka jawaabaya su’aal ku saabsanayd in uu rajo ka qabo haddii ka furo Ururrada siyaasada iyo axsaabta inuu damac noocaa ah ku jiro, maadaama xilligii ugu danbeeyay ee la furay Ururrada uu hoggaaminayay Ururkii UDHIS oo ka mdi ahaa Ururradii ku hadhay tartanka tobban sannadood ka hor, balse Mujaahid Ibataahim wuxuu si cad u sheegay in haddii xilligan la furo Urrurada aannu diyaar u ahayn.

Laxidhiidha:Xildhibaan Guruuje Oo Madaxweyne Biixi Uga Digay In Khilaafka Gudoomiye Khaliif Maro Dariiqii Xaabsade 24 Sanno Ka Hor

“Annigu sharciga ayaan taageerayaa ee qof taageri maayo diyaarna uma ihi Urur xilligan ee waan nasanayaa.” ayuu yidhi, Mujaahid Dhegaweyne.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com