Araweelo News Network.

 #Somaliland: Madaxweyne #Biixi Muxuu Ugu Bushaareeyay Shacbiga Munaasibaddaha Waaweyn Ee Xidhiidhka Taarkhda Somaliland

Alt: Araweelo News Network

President of the Republic of Somaliland Muse Bihi Abdi, Image File Araweelo News Network..

Hargeysa(ANN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay munaasibaddo isku beegmay oo shacbiga Somaliland guul iyo taariikh gaara u ah iyo mid ay dunida Islaamka la wadaagaan , taas oo ah Ciidal Fitriga oo dunida Islaamka oo si weyn loogu riyaaqay sanadka Taariikhada Islaamka ee 1442 Hijri, isla markaana ku beegan Khamiis 13 April 2021, ee sanadka Miilaadiga.

 

Madaxweynaha Somaliland, wuxuu  dhammaal hambalyo ah oo ku waajahan munaasibadahaa, isla markaana si gaar ah shacbiga ugu hanbalyeeyay munaasibadda Ciida Fitriga ee caawa dunida Islaamka looga wada damaashaaday, marka laga reebo shacbiga Muslimiinta Falastiin oo Yuhuudu duulaan weyn iyo duqaymo ay ku bilawday bisha Barakaysan ku wado weli.

 

 

 

 

“Allah baa mahad leh nimcooyinka badan ee caafimaadku kow ka yahay, nabada, roobka iyo barwaaqada, fadliga ramadaan,, waxaan dhammaan hambalyo iyo salaan u dirayaa ummadda islaamka ah meel ay joogtaba, gaar ahaan ummadda Somaliland, gude iyo dibed waxaanan Allah uga rajaynayaa sannadkaa sannadkiisa inay barwaaqo iyo bash-bash iyo caafimaad ku ciidaan oo Allah caafimaad innagu wada gaadhsiiyo iyo horumar, ramadaantu waxay ku soo hagaagtay sannadkan roob, qabaw iyo barwaaqo dalkuna nabad yahay”.ayuu ku yidhi, Madaxweynaha Somaliland dhanbaalka hanbalyada ee munaasibada Ciida Fitriga.

 

 

 

Madaxweyne Biixi oo ka hadlayay munaasibaddaha isku beegmay ee Somaliland gaarka u leedahay ayaa yidhi, “Ramadaanta waxa inoogu xiga oo iyana soo socota 18 May oo maalintii qarannimada Somaliland oo shan cisho ka danbayn doonta haddii Allah innagu simo, Munaasibadaa weyn ee 18-ka,May , waxa ku xigta munaasibada maalinta aynu u astaynay doorashadii oo ilaa hadda ku qotonta inay qabsoonto 31-May bishan aynu ku jirno, arrimahaasa isu keen dabayaala, waxa ku sii xiga 26-June, waxa weeyaan arrimo wada muhiim ah, dabaal-deg, xus, cibaado iyo farxad ah oo ciid ah, “ ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi.

Munaasibadaha Allah is waafajiyay ee Somaliland gaarka u ah, wuxuu sheegay Madaxweynuhu in ay yihiin wax Allah loogu mahadiyo , isagoo shacbiga Somaliland Allah uga baryay in dabaaldegyada munaasibaddahaa Allah ugu simo Somaliland nabadgelyo , sidaa awgeed wuxuu Madaxweynuhu xusuusiyay qof walba oo muwaadiniinta Somaliland ah, sida ay waajibka ugu tahay in uu ilaaliyo dalkiisa, nabadiisa, dadkiisa oo ay si nabad ah oo barwaaqo ah oo caafimaada caruurtiisa iyo ciroolihiisu ku ciidaan.

 

 

Dhinaca kale, Madaxweyne Biixi, wuxuu si gaar ah shacbiga u xusuusiyay  in qaranka Somaliland leeyahay cadaw badan, isagoo yidhi, “Somaliland cadaw badan ayey leedahay oo aan jeclayn horumarkeeda iyo nabadeeda iyo wada jirkeeda, waxaan ku dardaarayaa dhammaan muwaadiniintu inay meel uga soo wada jeestaan wixii inaga khal-khalinaya horumarkeena, nabadeena, walaaltinimadeena, maalmahaa ciida, tan fidriga, tan 18-ka, ta doorashada, ta 26-June oo ah munaasibaddo isku wada xiga”.

 

Dhinaca kale, Madaxweynuhu waxa uu ka hadlay xannuunka covid 19 ee dunida sida weyn u saameeyay, isagoo yidhi, “xannuunka covid 19 oo sannadkan sidii kal hore ka cuslaa, wuxuu innaga dilay dad badan Allah naxariistii janno ha ka waraabiyee, wuxuuna in badan oo innaga mid ah u geystay dhibaatooyin caafimaad, waxaynu Allah ka baryaynaa inuu inaga dulqaado oo caafimaad innoogu bedelo, ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi, wuxuuse xusay in xannuunku hadda sidii hore uu ka sahlan yahay oo hoos u dhacay.

Sidaa awgeed Madaxweynuhu wuxuu Allah uga baryay Bulshada Somaliland inuu ka samatabixiyo masiibada xannuunkaa oo Allah ka dulqaado,  wuxuuna  gebagebadii ku hanbalyeeyay shacbigiisa munaasibadaha isku beegmay, siagoo Allah ka baryay inuu nabadaa iyo horumarkaa iyo wada-jirkaa sannadkan sannadkiisana ku gaadhsiiyo, wuxuuna u rajayeeyay guul iyo horumar intan ka ballaadhan iyo barwaaqo.

Araweelo News Network

info@araweelonews.com