Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa daah-furtay Manhaj gaar ah oo yeelanayaan Maddaariska  Qur’aanka, kaas oo ay hirgelisay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland.

Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa si rasmi ah u Daah-furay Manhajka Malcaamadaha Qur’aanka oo ay hirgelisay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta iyo sidoo kale furay Machadka Tabobbarka Macallimiinta Maddarasadaha iyo Imaamyada Masaajiddada.

Munaasibad lagu qabtay Machadka Tabobbarka Macallimiinta Maddarasadaha iyo Imaamyada Masaajiddada oo ku yaalla Xarunta Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee magaalada Hargeysa, Madaxweyne Ku-xigeenka oo furay ka sokow, waxaa ka qaybgalay Wasiirro Xukuumadda ka tirsan, Maamulayaasha iyo Macallimiinta Maddaarista, Masuuliyiinta Jimciyadaha ay Maddarasaduhu ku midaysan yihiin, Guddiga Manhajka diyaarisay, Culimo kale, Masuuliyiinta iyo Hawl-wadeennada Wasaaradda Diinta iyo masuuliyiin ka socotay Shirkadda Buugaagta ee HEMA Books oo qaadatay daabacaadda.

Daah-furka ka dib, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Aadan Cabdillaahi Cabdalla, ayaa ka warbixiyey sida ay Wasaaraddu ugu guulaysatay samaynta Manhajka iyo hirgelinta Machadka Tabobbarka Macallimiinta Maddarasadaha iyo Imaamyada Masaajiddada oo uu sheegay in isla toddobaadkan si rasmi ah Machadka uga bilaabmi doonaan Tabobbarradu.

“Muddo lix bilood ah ayey guddida Manhajkan samaysay habeen iyo maalin u fadhiyeen oo ay ka shaqaynayeen, markii shan jeer iyo in ka badanba dib loogu noqday ee la naaqishay ayaa la daabacay. Waxa Illaahay mahaddii ah howshan cid naga caawisay ma jirto, waxa keliya oo na caawisay Xukuumadda Somaliland iyo Shirkadda Hema Booksna.” ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaaradaasi mahad-naq u jeediyey cid kasta oo gacan ka geysatay hindisaha iyo hirgelinta Manhajkan.

Agaasimaha Waaxda Maddaarasadaha iyo Masaajiddada ee Wasaaradda Diinta Sheekh Maxamed Macallin Aadan, Sheekh Axmed Macallin Ibraahim oo ku hadlayey Afka Guddiga Manhajka samaysay, Sheekh Maxamed Yuusuf oo ku hadlayey Afka Jimciyadaha Maddarasadaha Qur’aanka iyo Sheekh Maxamed Aadan, ayaa iyaguna halkaas ka hadlay, isla markaana soo dhaweeyeey samaynta Manhajka iyo Machadka Tabobbarka oo ay sheegeen in baahi badan loo qabay, isla markaana wasaaradda ku bogaadiyey hirgelintooda.

Agaasimaha Shirkadda HEHMA BOOKS Xasan Cali, ayaa ka warramay dedaalka ay u galeen wanaajinta Manhajkan oo markii ay Qandaraaskiisa ku guulaysteen shirkad ahaan 2019-kii ka dib, isla markaana ay farsamo ahaan waafajiyeen nidaamka Manaahijta loo daabaco, iyaga oo ka duulaya fahamka Bulshada iyo habka ay u doonaysay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland.

Wasiirrada Wasaaradaha Horumarinta Maaliyadda Sacad Cali Shire, Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Cabdiweli Sheekh Cabdillaahi Suufi, Maalgashiga Maxamed Axmed Cawad, ayaa iyaguna halkaas ka hadlay. Waxaanay sheegeen inay tahay guul Qaranka u soo korodhay, maaddaama oo uu Qur’aanku yahay Tiir-dhexaadka nolosha Muslimiinta, isla markaana ay waajibna tahay in la weyneeyo Qawlka Eebbe.

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa gebogabadii Munaasibaddaas ka jeediyey Khudbad uu kaga warramay marxaladaha ay Wasaaraddu soo martay, qodobbada ugu waawayn waxyaabaha u qabsoomay tobankii sano ee uu Wasiirka ka ahaa, isagoo xusay inay qoddobadaas ka mid yihiin hirgelinta Idaacadaha Qur’aanka ah ee Radio Hargeysa, helista Dhisme ku habboon shaqada Wasaaradda, samaynta Diiwaangelinta Maddarasadaha Qur’aanka iyo Macallimiintooda, Tabobbarista iyo taakulaynta Macallimiinta, Mu’addimiinta Masaajidda iyo Iimaamyada oo aqoontooda la kaabay, furista Machadka, Samaynta Manhajka Maddaarista iyo qodobbo kale.

Waxaanu Maamulka iyo Macallimiinta Maddarasadaha u soo jeediyey inay dhaqangeliyaan Manhajka ay Wasaaraddu u diyaarisay oo aannay jirin cid dhaqaale ahaan Somaliland ka caawisay.“Waxaan halkan baaq uga dirayaa Macalimiinta Qur’aanka Kariimka ah, Maamuleyaasha Malcaamadaha, Jimciyadaha Qur’aanka iyo cid kasta oo ka shaqeysa barashada Qur’aanka, waxaan ugu baaqayaa in ay fuliyaan Manhajkan Tacabka la geliyey. Sidoo kale, laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 19 Bisha Jully Manhajkan, ayaa dalka oo dhan lagaga dhaqmi doonaa.” ayuu yidhi Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil oo sidoo kale kula dardaarmay bahda waxbarashada Diiniga ah in ay ka qayb-galaan Tabobbarka lagu bixin doono Machadkan la furay.

Halakn Ka Daawo munaasibada Daah-furka