Hargeysa(ANN)-Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, ayaa ka hadashay sababta keentay in aannu weli shaqayn mishiinka Shaybaadhka ee COVID-19, oo toddobaadkii horre loo keenay, kaas oo warar suuqa lasoo geliyay sheegeen inuu xumaaday.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo warbaahinta la hadlay maanta, ayaa ka waramay xaaladda  Mishiinka Shaybaadhka ee loo keenay toddobaadkii hore, kaas oo la doonayay in lagu baadho caabuqa Coronavirus ee (COVID-19).

Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, wuxuu sheegay in mishiinka ciladi ku timi, kadib markii la fahmi waayay, isla markaana ay Hay’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO, ka dalbadeen in loo keeno khabiiro, kuwaas oo sida uu sheegay ka shaqaynayay maalmahan, isla markaana tababar siinaya shaqaalaha maamulaya sheybaadhka lagu baadhayo caabuqa, isagoo xusay in  khuburada loo keenay ee shaybaadhku joogayaan dalka muddo laba bilood ah oo marka ay hashooda damaystaan ku laabanayaan dalkooda.

 Dhinaca kale,  Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, wuxuu sheegay in tiradii horre ee dadkii caabuqa Coronavirus ee ahaa shanta qof uu kusoo kordhay hal qof oo cusub, halka mid kale oo ka mid ahaa shanta kasoo kabtay, isla markaana muddo shan maalmood ah lasii haynayo qofkaa ka bogsaday caabuqa, si xaaladdiisa loo sii hubiyo, markaa kadibna la fasaxayo sida uu sheegay Dr. Xergeeye.

Coronavirus oo ah xannuun si weyn dunidu uga qaylisay, ayaa sababa dhimasho, isagoo weerrara neef-mareenka, waxaana la rumeysan yahay inuu ku soo ifbaxay magaalada Wuhan ee Shiinaha dabayaaqadii sannadkii hore.

Dunida oo dhan ayaa ka qaylinay Fayriska ku faafay Adduunka oo dhan oo isaga gudbay dacalada iyo daafaha dunida, isla markaana ka qoqobay isu socodka aduunka, iyadoo dhinaca kale uu si weyn dhulka ula silay dhaqaalaha aduunka, gaar ahaan dalalkii sheeganayay inuu hormood u yihiin dhaqaalaha aduunka,kuwaas oo hormood u yihiin Maraykanka, Dalalka Yurub iyo kuwa Khaliijka ee saliida qaniga ku ahaa, kuwaas oo saamaynta ugu xun uu ku yeeshay Coronavirus.
Coronavirus, oo kasoo bilaabmay dalka Shiinaha, gaar ahaan magaalada Wuhan ee gobolka Hubei, Desember 2019, wuxuu caabuqa COVID-19, oo kasoo faafay halkaa ku faafay dunida oo dhan, isagoo in ku dhiwaad 2.3 Milyan asiibay, isla markaana ay u dhinteen inta la ogyahay, 160, 000, halka 583,431, oo qof kasoo kabteen, sida lagu sheegay mid ka mid ah meelaha lagu diiwaangeliyo oo lagu magcaabo worldometers.info, walaw ay tirooyinku saacad saacad isu bedelaayan, isla markaana dalal badan oo dunida ah ay si weyn u waajaheen jaah-wareer, taas oo sababtay in aan lahayn xog dhab ah oo ku saabsan baaxada faafitaanka iyo tirada dhabta ah ee dadka u dhintay