Share this:

" />
Telesom Dahabshiil
Published On: Sat, Oct 17th, 2020

Somaliland Oo Ka Hadashay Mawqifkeeda Heshiishka Dawladda Federaalka Ah Iyo Wakiilka Qaramada Midoobay

Araweelo News Network

 

Hargeysa(ANN)-Golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa kulan deg-deg ah ka yeeshay heshiiska Dawladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Wakiilka khaaska ah ee Xog-hayaha Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya James Swan.
Kulanka deg-dega ah ee golaha Wasiirada Somaliland ka yeesheen arrintaa iyo arrimo kale oo maanta oo taariikhdu tahay 17 Oct, 2020, ka qabsoomay qasriga Madaxtooyadda Somaliland, waxa kasoo baxay War-saxaafadeed lagu shaaciyay mawqifka Xukuumadda Somaliland ee arrintaa.
Qoraal saxaafadeedkaa ii nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network, ayaa u dhignaa sidan:-
“Fadhi aan caadi ahayn oo golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland uu yeeshay maanta oo Sabti ah oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu goluhu dood iyo falan-qayn ka yeeshay heshiis ay wada gaadheen Soomaaliya iyo wakiilka UN-ka James Swan 15-kii October 2020, oo ku saabsanaa nidaamka wada shaqaynta (Un sustainable development cooperation framework UNCF), kaas oo ay ka muuqato inuu meel ka dhac ku yahay qarannimada Somaliland, faro-gelinna ku yahay arrimaha gudaha Somaliland.
Sidaa daraadeed, Somaliland kama mid aha maamullada Federaalka Soomaaliya, kamana mid noqon doonto, horena Jamhuuriyadda Somaliland way u caddaysay mawqifkeeda dalnimo, sidaa awgeed golaha wasiiradu waxay beesha caalamka u cadaynayaan inay kala madax-bannaan yihiin Dalalka Somaliland iyo Soomaaliya.
Somaliland muddo soddon sanno ah wax sharci ah, shaqo ah, iyo wax wada lahaansho, lama wadaagin Soomaaliya. Somaliland marnaba dheg jalaq u siin mayso xeelad siyaasadeed, culays dhaqaale iyo mid warbaahineed oo lagu xagal-daacinayo jiritaanka Qarannimada Somaliland.
Golaha wasiirradu waxa uu faray wasaaradaha ay khusayso arrimahaasi inay warbixin qoto-dheer ka keennaan.
Golaha wasiirada Somaliland iyagoo garowsan baahida dalku u qabo shirkaddo caalamiya iyo iskaashi dhaqaale, waxa uu dood ka yeeshay arrinta diyaaradaha Fly-Dubai iyo Air Arabia oo hore uga hawl geli-jiray Dalka Jamhuuriyadda Somaliland, balse hay’adda duulista hawada Somaliland shaqada ka hakisay.
Golaha wasiirradu waxay maareeyaha duulista hawada, garyaqaanka guud iyo xeer ilaaliyaha guud ka dhegeysteen warbixinta xogta rasmiga ah ee ku saabsan diyaaradahaasi, waxana uu goluhu xaqiiqsaday in shaqo-ka-hakinta diyaaradahaasi ay tahay arrin sharci madaama aannu jirin heshiis rasmi ah oo hay’adda duulista Somaliland la gashay hay’adda duulista ee dalka laga leeyahay diyaaradahaasi.
Sidaa awgeed, golaha wasiiradu waxa uu isku raacay:-
– In hakinta diyaaradahaasi socon doonto inta laga gaadhayo heshiis u dhexeeya labada hay’adood, iyadoo la waafajinayo shuruucda iyo xeerarka dalka.
– In la xoojiyo heshiis dhexmara labada hay’adood ee duulimaadyada.
– In laga hawl-galo dhamaystirka heshiiska labada dhinac, iyadoo kor loo qaadayo lana kobcinayo dhaqaalaha dalka.
Ugu danbayn golaha wasiirrada Somliland waxa uu hambalyo u dirayaa xuska maalinta shuhaadada Somaliland oo ku beegan maanta oo ay taariikhdu tahay 17-October-2020.
goluhu waxa uu ku sifeeyey maalintan, maalinta geesiyaashii naftooda, maalkooda, iyo maskaxdoodaba u soo huray xornimada iyo madax-bannaanida dalkeena, xiliyo kala duwan laga soo bilaabo halgalkii gobonnimo doonka Daraawiishta, kacdoonkii culimada, aqoonyahanka, suugaanlayda, halgankii axsaabta siyaasadda, halgalnkii hubaysnaa ee SNM iyo halganka naftood-hurayaasha ilaa maanta naftooda halista u geliya difaaca jiidaha hore ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxaanay Alle uga baryeen intii dhimatay in rabi naxariistii janno ka waraabiyo inta noolna rabi caafimaad, cisi iyo sharaf ku waariyo.
Dhammaanteen, shacabweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo xukuumadduba waa inay ka qayb-qaataan sugidda iyo qoraalka taariikhda guunka ah iyo marxaladihii isdaba-joogga ahaa ee dalkeenu soo maray, si jiilalka soo socdaa u bartaan sooyaalkeennii nololeed iyo raad-raaca taariikhdeena.
ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.
Smiley face

About the Author

- Arraale Mohamoud Jaama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Advertisement

Smiley face

Araweelo is an Associated Network News, The most trusted source for news & Political,investigator report,Human Rights Issues,Educations,Social and Democracy ,Latest News Horn of Africa. runs Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist based in Somaliland.

Chat with us on WhatsApp