Published On: Mon, Jun 3rd, 2019

Somaliland Oo Saggootiday Maxaabiista Puntland Ee Dagaalkii Tukaraq Kuweediina Soo Dhowaysay

Smiley face

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta Madaarka Cigaal International Airport ee Hargeysa  kusoo dhaweeyey saddex askari oo kamida Ciidamada Qaranka Somaliland oo gacanta ugu jiray  Maamul Goboleedka  Puntland, waxaana soo dhaweeyey Saraakiishan Wasiiradda Wasaaraddaha Gaashaandhiga, Arrimaha Gudaha, Cadaaladda, Taliyayaasha Ciidamada Qaranka iyo Asluubta iyo Maareeyaha Hay’adda Duulimaadyada iyo Madaarada dalka.

Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland oo sagootiyaya maxaabiista Puntland oo ka dhoofaya Madaarka Hargeysa 3 Jun 2019
Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland oo sagootiyaya maxaabiista Puntland oo ka dhoofaya Madaarka Hargeysa 3 Jun 2019

Taliyaha Ciidanka Qaranka Nuux Ismaaciil Taani oo ka hadlay maxaabiista Somaliland soo gaadhay, ayaa soo dhaweeyey saraakiishan, waxaana uu tilmaamay inay tahay wax ilaahay loogu mahad naqo in saddexdan askari oo ka tirsanaa Ciidanka Qaranka ay maanta dalkooda yimaadaan iyagoo nabad-qaba, waxaana uu taliyuhu la wareegay masuuliyadda saddexdaa askari.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo masuuliyiin kale oo sagootiyaya maxaabiista Puntland oo ka dhoofaya Madaarka Hargeysa 3 MJun 2019
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo masuuliyiin kale oo sagootiyaya maxaabiista Puntland oo ka dhoofaya Madaarka Hargeysa 3 MJun 2019

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid) oo isaguna  ka hadlay soo dhaweynta saddexda askari  ayaa sheegay inay guul tahay  imaanshaha saddexda askari ee ka tirsanaa Ciidanka Qaranka Somaliland,  waxaana uu Madaxweynaha ku bogaadiyey doorkiisa nabadeed iyo kaalinta uu ka qaatay soo daynta saddexda askari iyo sii daynta 14kii maxbuus ee maamulka Puntland laga hayey.

Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland iyo masuuliyiin kale oo sagootiyaya maxaabiista Puntland oo ka dhoofaya Madaarka Hargeysa 3 MJun 2019
Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland iyo masuuliyiin kale oo sagootiyaya maxaabiista Puntland oo ka dhoofaya Madaarka Hargeysa 3 MJun 2019

Dhanka Kale Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ay wehelinayeen Wasiirrada wasaaradaha arrimaha gudaha, gashaandhiga iyo cadaaladda, Taliyayaasha Ciidamada kala duwan ayaa Madaarka Cigaal Intertional Airport ka anba bixiyey  Maxaabiis tiradoodu dhammayd 14 oo lagu qabtay  dagaalkii Tuka-raq ku dhex maray Jamhuuriyadda Somaliland iyo Maamul Goboleedka Soomaaliya ee Puntland, kuwaas oo lagu sii daayey cafis madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi u fidiyey 18-kii May 2019-ka.

Wasiirka Wasaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Dawladda Somaliland anba bixinayso 14-maxaabiis ah, kuwaas oo tegidoonaan deegaankoodii Garooowe, waxaana uu xusay in sii daynta maxaabiistani ay ka danbaysay ka dib markii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi  uu cafis u fidiyey maxaabiistaasi,  Wasiirku waxa uu kula dardaarmay Maxaabiistan oo u badnaa dhalinyaro inay noqdaan safiirada nabadda ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Maamul kooda Puntland.

Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland iyo masuuliyiin kale oo sagootiyaya maxaabiista Puntland oo ka dhoofaya Madaarka Hargeysa 3 MJun 2019
Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland iyo masuuliyiin kale oo sagootiyaya maxaabiista Puntland oo ka dhoofaya Madaarka Hargeysa 3 MJun 2019

Iyadoo Maxaabiistaa ay la wareegtay hay’adda  ICRC oo iyadu diyaarad gaara kaga qaaday garoonka Cigaal International Airport kuna geysay magaalada Garoowe, halkaasina ay ka soo qaaday Saddex askari oo ay gacanta ku hayeen Maamulka Puntland soona daayeen ka dib markii madaxweynuhu u cafiyey maxaabiistii dhinacooda laga hayey.

Wa-bilaahi Tawfiiq
Nasir Yusuf DahirDirector of the Presidential Media DepartmentHargeisa – Republic of Somalilan

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley face Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face

Araweelo is an Associated Network News, The most trusted source for news & Political,investigator report,Human Rights Issues,Educations,Social and Democracy ,Latest News Horn of Africa. runs Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist based in Somaliland.

Chat with us on WhatsApp