Araweelo News Network
kooxda baaqadoorashooyinka
Hargeysa (ANN)-Murrashaxiinta u tartamaya doorashada Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ka digay in dib loo dhigo doorashadaas, iyagoo ugu baaqay Madaxweyne Siilaanyo inuu go’aan degdeg ah, kuna dhisan caddaalad uu ka soo saaro khilaafka ka taagan saami-qaybsiga kuraasta Golaha Wakiillada.
Xubnaha murrashixiinta oo shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa shalay, isla markaana ka kala socday gobolada dalka oo dhan, ayaa sheegay in aanay aqbalayn wax muddo-kordhin ah oo mar kale loo sameeyo mudanayaasha Golaha Wakiillada ee kuraasta ku fadhiya muddo dhan 11 sanno, laga soo bilaabo ilaa bishii September, 2005 oo ah markii la soo doortay.
Murrashaxiinta ayaa ku taliyey in arrinta saami-qaybsiga lagu xaliyo laba dariiq midkood: in tirada kuraasta Gobolada lagu saleeyo tirada shacbiga iska diwaal-gelisay iyo in sidii hore lagu galo, oo wakhti ku filan loo qaato xalinta tabashooyinka saamiga. Waxay ku dooddeen in tacab badan ka galay ololaha diwaan-gelinta codbixiyeyaasha ee dalka ka socda, iyagoo sheegay inay howshaas doorkooda ka qaateen si doorashadu u dhacdo xilligii loo cayimay ee 28 March 2017.
Waxa kaloo xubnaha murrashaxiintu dhaliil u jeediyeen mudanayaasha Golaha Wakiillada ee iminka fadhiya oo ay ku eeddeeyeen inay sii jeclaysanayaan in muddo-kordhin kale loo sameeyo, taasoo ay ku tilmameen mid nusqaan ku ah haykalka dawladnimo iyo dimuquraadiyadda ka jirta dalka Somaliland.
“Waxaan doonaynaa in Madaxweynuhu sidii uu ku ballanqaaday ee ahayd in doorashooyinku qabsoomaan oo si sharaf leh u dhacaan, iyadoo diwaan-gelintii la galay oo howl badan aanu qabanay oo tacab aannu gelinay, haddaba in uun haddii sharci jiro, Madaxweyne ayaa saxeexay, maxkamad ayaa la isla galay, heshiisbaa lagu galay in wakhtigaa (bisha March 2017) doorashadu dhacdo, markaa waxaannu codsanaynaa in doorashadu wakhtigeedii dhacdo.” Sidaas waxa yidhi murrashax Dr. Maxamed Khadar Daahir oo ka mid ah xubnaha u taagan inay ka qaybgalaan doorashada Golaha Wakiillada ee soo socota.
Waxaannu intaas ku daray; “Doorashada waxa loo sameeyey in isbeddel dhaco oo shantii sanno-ba doorasho dhacdo, maaha in kuraasta la iska jeclaysto oo 20 sanno la iska fadhiyo, waana in sharciga la ixtiraamo, waana in la ixtiraamo rabbitaanka shacbiga, sidaas ayaannu Madaxweyne kugu baraarujinaynaa.”
Waxa kale oo halkaas ka hadlay Mr. Axmed Cabdi Ibraahim oo ka mid ah murrashaxiinta doonaya inay beddelaan mudanayaasha Golaha Wakiillada ee hadda fadhiya, waxaannu yidhi; “Waxa aan leeyahay qoladan meesha fadhida 11-ka sanno, xilku waa meerto, la idiinma dooran inaad meesha iska fadhidaan, dadkii idin soo doortay ixtiraama oo waan ognahay inaad jeceshihiin inaad iska sii fadhidaane, looma baahna inaad kursiga isku sii dhejisaan.”
Eng. Axmed Cabdi Ibraahim, ayaa sheegay in dalka Somaliland u baahan yahay mudanayaal cusub oo beddela xubnaha kuraasida ku fadhiya ilaa sannadkii 2005 oo ahayd markii la soo doortay.
“Madaxweyne, waxa aannu mar kale ku xasuusinaynaa in aannu diyaar u nahay inaanu ka qaybgalno doorasho, isla markaana ay shacbigu doonayaan inay doortaan mudanayaal cusub oo metela iyo in dalku u baahan yahay gole cusub oo xeer-dejineed, taasoo oo aannu u diyaar garownay sidii aandu beddeli lahayn mudanayaasha Golaha Wakiillada. Madaxweyne, waxaannu jecelnahay annagoo kugu ammaanayna waxqabadka iyo horumarka aad dalka gaadhsiisay inaad go’aan geesinimo leh qaadato oo aad doorashada ku qabato waqtiga loo muddeeyey ee ah 28 March 2017, haddii Ilaahay yidhaah,” ayuu Eng. Axmed Cabdi Ibraahim.
Murrashaxa Xasan Axmed Cilmi Geelle, ayaa isna sheegay in muddo-kordhinta joogtada ah ay dhaawac ku tahay sumcadda qaranka Somaliland, waxaannu yidhi; “Haddii maalin walba muddo-kordhin iyo dib-u-dhac doorasho lagu jiro, taasi waxay wax u dhimaysaa sumcadda waddanka. Waxay niyad-jab ku tahay shacbiga, waxay dhaawacaysaa qarannimada iyo midnimada ummadda Somaliland.”
Sida oo kale, waxa shirkaas jaraa’id ka hadlay murrashax Shucayb Macalin oo kula taliyey Madaxweynaha Somaliland in aan wax muddo-kordhin ah loo samayn mudanayaasha wakiillada ee kuraasta ku fadhiya muddo 11 sanno ah, isagoo xusay in aanay arrintaasi ahayn wax caqliga gala, sidaas darteedna ay waajib tahay in doorashada Golaha Wakiilladu ku qabsoonto waqtigeeda.
Murrashaxiin kale oo ay ka mid yihiin Eng. Xuseen Axmed Cilmi, Cali Rooble Xirsi, Xuseen Aadan, Maxamuud Faarax, Aadan Jaamac, Maxamed Xasan Finnad iyo Khadar Saleeban Cartan, ayaa iyaguna mawqif midaysan ku caddeeyey in aanay ogolayn in mar kale muddo-kordhin dheeraad ah loo sameeyo Golaha Wakiillada, waxayna kula taliyeen Madaxweynaha in aan dhinac kale loo leexin jadwalka doorashooyinka, loona qabto sidii loo jaangooyey, isla markaana lagu wada dedaalo sidii loo xalin lahaa waxyaabaha caqabadaha ah ee taagan inta ka horaysa waqtiga doorashada.
Xubnaha murrashaxiinta ah ee la hadlay saxaafadda, ayaa ka dalbaday Madaxweyne Siilaanyo, Golaha Wakiillada iyo hoggaamiyeyaasha xisbiyada qaranka in la dhawro shuruucda u yaal dalka Somaliland, wax dhaawac ahna aan loo gaysan hannaanka geedi-socodka dimuqraadiyeed ee dalka, loogana wada shaqeeyo sidii loo qaban lahaa doorashada wakiillada oo mar lala qabto doorashada Madaxtooyada bisha March, 2017.