Araweelo News Network

guddoomiyahakulmiyeodweyne

Oodweyne (ANN)- Dadweynaha Gobolka Daad-madheedh ee bariga Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa taageero aad u ballaadhan oo aan loo kala hadhin iyo roog-cas ku qaabilay Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo gaadhay degmada Oodweyne shalay.
Guddoomiyaha KULMIYE iyo wefti ballaadhan oo ka kooban xisbiga, wasiirro iyo masuuliyiin ka tirsan xukuumadda oo booqasho ku tagay Gobolka Daad-madheedh shalay, ayaa si layaab leh loogu soo dhaweeyey magaalada Oodweyne ee xarunta gobolka iyo tuulooyinka Ceel-same iyo Ceel-bilcille, iyadoo boqolaal dadweyne ah oo ka kooban dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada oo lulaya calanka qaranka iyo ka xisbiga KULMIYE iyo caleemo-qoyan ay ku soo dhaweeyeen weftiga murrashax Muuse Biixi, iyagoo caddeeyey sida ay u taageersan yihiin xisbul-xaakimka iyo xukuumaddiisa oo waxqabad miisaan leh u hirgalisay.
Guddoomiyaha KULMIYE iyo weftigiisa oo ka ambabaxay magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer oo ay ku sugnaayeen habeenimadii u dambeeyey, kadib markii uu ka soo laabtay gobollada Sool, Saraar iyo degaanno ka mid ah Buuhoodle oo uu u tagay dardargelinta hawlaha diiwaangelinta, waxa socdaal ujeeddadiisu tahay qaabilaadda xildhibaanno ka tirsan Golaha Degaanka Oodweyne oo ku biiray xisbigiisa iyo xogogaal-u-noqoshada mashaariic dhammaaday iyo kuwo socda oo xukuumaddu hirgelisay ku gaadhay Gobolka Daad-madheedh, halkaas oo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshadu aanay u kala hadhin soo dhawayntooda.

Soo dhawaynta weftiga oo miisaankeeda u wayni ahaa xarunta Gobolka ee Oodweyne oo boqolaal shacab ahi kaga hortageen duleedka bari ee magaalada kadib waxa weftiga loo galbiyey gudaha magaalada oo loogu diyaariyey fagaare si bilicsan loo diyaariyey, halkaas oo la dhigay roog-cas oo labada dhinacna lagaga meegaaray calanka xisbiga KULMIYE oo si gaar ah loogu dhigay Guddoomiyaha, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbul-xaakimka Md. Muuse Biixi Cabdi.
Maayarka degmada Oodweyne Md. Cabdixakiim Nuur Muuse oo isaga afar xildhibaan oo kale ay halkaas kaga dhawaaqeen inay si rasmi ah ugu biireen xisbiga KULMIYE, ayaa dadweynaha magaaladaas uga mahadceliyey sida diirran ee ay u soo dhaweeyeen madaxda xisbiga iyo xukuumadda.
“Reer Oodweynow baahideenna u wayn waxay ahayd biyaha, waxay ballanteenu hore u ahayd in ciddii biyo inoo keenta aynu wada raacno, haddaba halkan waxaan ka caddaynayaa Guddoomiye waad ka soo baxday ballantii aad maalintii hore ee aad noo timi noo qaaday ee biyaha ahayd, markaa anniga iyo reer Oodweynaba waxaannu ku leenahay waxaannu nahay KULMIYE weliba mid dhab ah,” ayuu yidhi Maayarka Oodweyne.
Chief Caaqil Cumar Xuseen, Caaqil Cabdixakiim Cabdillaahi, Caaqil Muuse Quulle iyo ganacsade Daahir Geeljire iyo xubnaha xildhibaannada deegaanka ee ku biiray KULMIYE oo khudbado ka jeediyey madashaasi, ayaa si cad u sheegay inay taageero buuxda ay u hayaan xisbiga iyo murrashaxiisa madaxtinimada oo ay ku tilmaameen qof keliya ee ay u arkaan in lagu aamini karo hoggaaminta Qaranka Somaliland.
“Guddoomiyaha KULMIYE waxaannu leenahay Muusow abti ayaannu kuu nahay, halkanina waa gobolkii abtiyaashaa, waxaannu kuu sheegaynaa innamada aannu abtiga u nahay waanu jecelnahay, waa halkii aannu ka caleemo-saarnay Ina Cigaal, adiguna maanta ha naga baqan ee soo dhawaw.” Sidaas waxa yidhi Caaqil Cabdixakiim Cabdillaahi.
Sidoo kale, Badhasaabka Gobolka Daad-madheedh Md. Farxaan Xasan Cabdi, Wasiirrada Wasaaradaha Warfaafinta iyo Deegaanka – Md. Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) iyo Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, Wasiirul-dawlaha Wasaaradaha Macdanta Md. Cabdiraxmaan Axmed Ismaaciil iyo Wasiir-ku-xigeennada Gaashaandhigga iyo Warshadaha – Maxamuud Warsame Jaamac iyo Yuusuf Cismaan Garas iyo weliba Agaasimaha Guud ee Warfaafinta Md. Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase), ayaa iyaguna ka mahadceliyey soo dhawaynta bulshada gobolku ku qaabishay weftiga xisbiga KULMIYE, waxaanay uga warrameen horumarka iyo waxqabadyada adeegyada muhiimka ah ee xukuumaddu ka hirgelisay gobolka, kuwa socda iyo inta qorshaha dhaw ku jirtaba, sidaasi darteedna, waxa kula taliyeen dadweynaha inay qiimeeyaan oo ay ku kala doortaan xisbiyada siyaasadda waxqabadka.
Dhinaca kale, waxa halkaasi khudbado ka jeediyey Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, Guddoomiye-ku-xigeenka labaad Axmed Cabdi Dheere, Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee xisbiga Jaamac Ismaaciil Cige (Shabeel), Afhayeenka xisbiga Mr. Xasan Maxamed Cali (Gaadhaafi) iyo weliba Xildhibaan Saleebaan Cali Cawad (Bukhaari) oo ka tirsan Golaha Wakiillada iyo Xildhibaan Xasan Shahar oo ka mid ah Golaha Deegaanka Hargeysa, waxaanay si dareen farxadeed ku jirto uga mahadceliyeen soo dhawaynta wayn iyo taageerada qalbi-furnaantu ku dheehantahay ee ay u sameeyeen reer Daad-madheedh.
Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo khudbad ku soo xidhay oo xafladda, ayaa si aad uga mahadceliyey soo dhawaynta loo sameeyey iyo dadweynaha muujiyey taageerada xisbigiisa.