Araweelo News Network

salaadaroobdoonta2
Hargeysa(ANN)Roobdoon Rabbi lagaga baryay Roob iyo Alleh kasoo jebiyo Bulshada Somaliland Abaarta xun ee sida gaarka ah u samaaysay deegaamada Somaliland, gaar ahaan kuwa galbeedka, ayaa maanta looga dareeyay guud haan magaalooyinka dalka oo dhan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa shacbiga ku dhaqan Caasimada Hargeysa kula tukaday Salaada Roobdoonta garoonka kubbadda cagta ee Hargeysa Stadium, halkaas oo kumanaan qof oo qaybaha kala duwan ee bulshadu kaga qaybgaleen Salaada roobdoonta ah, iyadoo Rabbi bariga salaada roobdoonta muddo sannad gudihii ah markii labaad madaxweynuhu la tukaday shacbiga gobolada Togdheer iyo Maroodijeex.

dadkakaqaybaglayroobddoonta
Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu salaada kaddib ku duceeyey in illaahay ka aqbalo baryadaa ummadda, raxmaadkiisana si degdeg ah ugu shubbo.

salaadaroobdoonta3

sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil oo dadka tukiyey salaada, ayaa ugu baaqay bulshada in lays wada cafiyo illaahayna loo toobad celiyo.

dadkakaqaybaglayroobddoonta
Sheekh Khaliil waxa uu xusay in kulaylkan iyo abaaruhu ay yihiin dunuub dadka ka timi oo ay ka toobad keeni waayeen, dhibaatada ka timid dunuubtaasina ay saamaysay bahaayinka iyo makhluuqa kale ee xayawaanku ka mid ka yihiin ee ay gaadhay.

sidaa awgeed Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil, waxa uu ku adardaaray bulshada in lays caawiyo oo la isu gargaaro laysna taakuleeyo cidiba ciddii ay ka heyn roontahayna ay wax ku taakulayso dadkaa tabaalaysan ee dhibaatada abaar
salaadaroobdoonta4salaadaroobdoonta2
sidoo kale salaada roobdoonta ayaa saaka laga tukaday magaalooyinka waaweyn ee dalka iyo deegaamada kale, iyadoo Alleh lagaga baryay inuu Abaarta ku habsatay dalka ee dad iyo xoolo saamaysay ka dulqaado.
Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 659107347