Hargaysa (ANN) –Wefdi ka kooban Saraakiil sare oo ka socotay Baanka Aduunka  oo uu hoggaaminayo Mr Grogery iyo Miss Lucy oo ka kala yimi xafiisyada  Nairobi iyo Washington, USA. ayaa maanta soo gaadhay Somaliland.

Saraakiisha Wefdiga , ayaa kulan albaabada loo xidhay  oo dhawr saacadood qaatay la yeeshay Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawlada Somaliland,  Farxaan Aadan Haybe iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Hay’adda shaqaalaha,

Saraakiil sare oo ka socotay Baanka Aduunka  oo uu hoggaaminayo Mr Grogery iyo Miss Lucy oo ka kala yimi xafiisyada, Nairobi iyo Washington, USA, oo la kulamay  Madaxda Hay’adda Shaaalaha Somaliland  Hargeysa, 30 Jun 2019.
Saraakiil sare oo ka socotay Baanka Aduunka oo uu hoggaaminayo Mr Grogery iyo Miss Lucy oo ka kala yimi xafiisyada  Nairobi iyo Washington, USA, oo la kulamay  Madaxda Hay’adda Shaaalaha Somaliland  Hargeysa, 30 Jun 2019.

War-qoraal ah oo kasoo baxay kulanakaa kadib Xafiiska Gudoomiyaha Hay’adda Shqalaaha oo nuqul ka mid ah soo gaadhay Shebekadda Araweelo News Network, , ayaa lagu sheegay  in kulankaa oo qaatay qadar Afar sacadood ah labada  dhinac kaga wada hadleen baraamijka xukuumada Jamhuuriyadda Somaliland ee dibu habaynta shaqaalaha oo mashruuca Baanka Aduunku ku taageero Somaliland, isla markaana waxa lagu sheegay qoraalka  in waftigu si qoto dheer uga waramay barnaamijka dibu-habaynta shaqaalaha ee Xukuumada Somaliland iyo ahmiyada uu u leeyahay qaranka, gaar ahaan mashruuca tayaynta shaqaalaha dawladda.

“Waxa sharaf wayn noo ahayd in aanu shir waqti dheer ah la qaadanay Saraakiil sare oo ka socota Baanka Aduunka Mr Grogery iyo Miss Lucy oo ka kala yimi Nairobi, Kenya iyo Washington, USA, waxaanu ka wada hadalay dadaalka Xukuumada ee dibu habaynta shaqaalaha iyo si gaar ah mashruuca dib-u habaynta shaqaalaha Dawlada oo Hay’adda Shaqaalaha Dawladu la fuliso Baanka iyada iyo Wasaarado loo xulay hawshan. Waxaanu u sharaxnay halka hawshu imika marayso iyo waxa laga fuliyay qorshaha mashruuca oo ah mid hore loo sii dejiyay, waxaanay runtii ku farxeen sida dadaalka leh ee hawshaasi u socoto”.ayaa lagu yidhi, qoraalkaa.

Saraakiil sare oo ka socotay Baanka Aduunka  oo uu hoggaaminayo Mr Grogery iyo Miss Lucy oo ka kala yimi xafiisyada Nairobi iyo Washington, USA, oo la kulamay  Madaxda Hay’adda Shaaalaha Somaliland  Hargeysa, 30 Jun 2019.
Saraakiil sare oo ka socotay Baanka Aduunka oo uu hoggaaminayo Mr Grogery iyo Miss Lucy oo ka kala yimi xafiisyada Nairobi iyo Washington, USA, oo la kulamay Madaxda Hay’adda Shaaalaha Somaliland Hargeysa, 30 Jun 2019.

Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha, ayaa ku sheegay qoraalkaa  inay ka mid ahaayeen waxyaabaha ay labada dhinac isla eegeen dardar gelinta siyaasadaha la xidhiidha hawlgabka si dhalinyarada fursad shaqo loo siin karo oo ka balaadhan inta imika iyo dhaqan gelinta siyaasadaha  shaqada iyo maamulka shaqaalaha.

Sidoo kale, waxa uu xusay inay  oo wadaageen baahida loo qabo in shaqaalaha dawladu helaan adeeg caafimaad oo ay awoodi karaan iyo fursado hoy ay ku noolaadaan taas oo gacan ka gaysan karo baanka aduunka iyo dawladah gacanta siiya, isla markaana dhinaca  xukuumada Somaaliland  hadii baahiyahaasi noqdaan qaar rumooba ay wax wayn ka tari karaan kor u qaadista niyada shaqaalaha iyo tayada shaqada labadaba.

Guddoomiye Farxaan waxa uu sheegay inay ugu danbayn isla waafaqeen fulinta inta hadhay Mashruuca, waxaanu yiidhi: “Waxaanu ugu danbayn isla garwaaqsanay in fulinta inta hadhay mashruuca waqtigiisu iyo hawsha uu qabanayo ay keeni  karto in la kordhiyo si uu baahiyaha kale ee ka baxsan qorshaha loogu talo galay uga taro” ayaa lagu qoraal kulankaa kadib warbaahinta loo qaybiyay .

Sidoo kale qoraalka, ayaa lagu sheegay in Gudoomiyaha Hayada Shaqaalaha oo ay weheliyaan xubnaha waftigu ay xadhiga ka jareen qaybaha cusub ee lagu kordhiyay xafiiskyada Hay’adda gaar ahaan qaybta kaydinta xogta iyo qaybta bixinta kaadhadhka shaqaalaha oo lagu rakibay server casri ah si loogu kaydiyo xogta shaqaalaha yo qalabka biometric ee xogta lagu qaado”.ayaa lagu yidhi qoraalkaa.

Dhinaca kale, warar shebkadda Araweelo News Network ka heshay ila wareedyo kala duwan, ayaa tibaaxay in ujeedada wefdiga ka kala yimi Xafiisyada Baanka Aduunka ee Naribi iyo Washington ay la xidhidhay fadeexado musuq-maasuq oo dhowaan soo baxay oo sheegaya in mashruucaa si khaldan loo amamulay, iyadoo warbixin lagu daabacay warbaahinta aduunka  lagu sheegay fadeexadahaa oo sheegayay in lacagta  wejigii hore oo oo ahayd dhawr milyan oo  lacagta Maraykanka ah 86% ay ku baxday magacyo shaqsiyaad aan la aqoonsan oo sita magacyo Afrikaan, isla markaana lagu qoray La Taliyayaal.

Balse Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawlada Farxaan Aadan Haybe oo markii warbaahinta Somaliland oo soo xiganaysa warbintaa shaacisay, ayaa  difaacay eedaha musuq-maasuq, walaw aanu warbaahinta soo hor istaagin si wax looga weydiiyo cadaymaha uu ku beeninayo arrimahaa fadeexada ahaa.