Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland Mudane Axmed Muumin Seed ayaa furay shir ay Wasaaradda iyo hay’addaha wada shaqaynta la leh wsaaraddiisu kaga arinsanayeen sidii loo dar dar galin lahaa kor u qaadida hawlaha Cunto soo saarka dalka.

Shirkaa oo ka dhacay xarunta wasaaradda horumarinta beeraha, waxa ka soo qayb galay ku dhowaad 40 hay’addaha maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha beeraha.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta beeraha Mudane Axmed Muumin Seed oo khudbad ka jeediyey furitaanka shirkaa, ayaa sheegay in loo baahan yahay hawlaha beeraha marka ay hay’adduhu ka shaqaynayaan in guud ahaan laga wada socdo si loo doorto sida ay ugu kala muhiimsan yihiin iyo deegaamada ay xukuumad ahaan ahmiyada siinayaan.

Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi, “Wasaaradda horumarinta beeruhu waxa ay dhiirigalinaysaa in dhammaan dhinacyada ka shaqeeya arrimaha beeruhu ay wasaaradda kala socodsiiyaan hawlaha ay qabanayaan si loo kala horumariyo siyaabaha ay muhiimadda u kala leeyihiin, isla markaana ay hawlaha la qabanayo  joogto u noqdaan”.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Shirkan aynu isugu nimi waxa uu daaran yahay sidii aynu uga wada socon lahayn hawlaha beeraha ee la qabanayo ee aanay cid walba meel gaar ah hawsha ka wadeen si ay kor ugu kacdo heerka cunto soo saar ee dalku, Isla markaana loo midayn lahaa wax qabadka dhinaca Beeraha si loo waafajiyo qorshaha xukuumadda ee cusub Iyo balanqaadkii Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.” ayuu yidhi. wasiir Muumin Seed.

Sidoo kale Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta Beeraha Mudane Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase) oo hadal ka jeediyay furitaankii shrkaa,  waxa uu khudbadiisa ku tilmaamay inay muhiimadeeda leedahay in dhammaan hay’addaha ka shaqeeya arrimaha beeraha iyo wasaaradda beeruhu ka wada tashadaan nidaamka wax soo saar ee dalka, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Sharaf weyn ayey dhamaanteen inoo tahay in Wasaaradda horumarinta beeraha iyo hay’addaha ka shaqeeya arrimaha beeruhu shir ay kaga tashanayaan arrimaha wax soo saarka iskugu yimaadaan oo kaga wada hadlaan sidii loo midayn lahaa wax qabadka Iyo wax soo saarka” ayuu yidhi, Agaasime Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase)

Waxa kale oo kulankaa ka hadlay Maareeyaha cusub ee Hay’addaha La tacaalida Aafooyinka & Kaydka Raashinka Faysal Cali Sheekh oo ka mid ahaa masuuliyiintii shirka ka qaygalay, isagoo  sheegay in Wasaaradda horumarinta beeraha iyo hay’addooda wada shaqayn balaadhan ka dhaxayso, isagoo yidhi,  “Dhibaatooyinka qaranka waxa ka mid ah meelihii kaydka cuntada oo aanu dalku lahayn taasi ayaanu wasaaradda horumarinta beeraha ka wada shaqaynaynaa oo wada shaqayn balaadhan ayaa naga dhaxaysa”. Ayuu yidhi, Maareeye Faysal Cali Sheekh.

Shirka oo socday hal maalin, waxa muddadii uu socday lagu faaqiday sidii wada shaqayn loo yeelan lahaa Iyo sidii loo midayn lahaa mashaariicda ay Hay’addaha caalamiga ah Iyo Ururada maxaliga ah ee ka shaqeeya Beeruhu mashaariicda ay fulinayaan hal meel oo wasaaraddu ogtahay uga wada fuli lahaayeen, waxaana gabo gabadii shirka lagu balamay in la joogteeyo shirarka noocan oo kale ah.