Prof Samatar, Eng Maxamed Xaashi, Hoggaamiye Xirsi, Maxamuud Xaashi,  Prof Abyan Iyo Sucaad Carmiye Oo Dood Xasaasi Ah Ka Yeeshay Mustaqbalka Wada Hadallada

Hargeysa(ANN)-Prof Axmed Ismaaciil Samatar, Hoggaamiyaha xisbiga WADDANI, Xirsi Cali Xaaji Xasan, Eng Maxamed Xaashi Cilmi, Maxamuud Xaashi Cabdi, Prof Axmed Cabdi Abyan oo ahaa murrashaxa Madaxweyne-ku xigeenka UCID, iyo Sucaad Carmiye ayaa dood xasaasi ah ka yeeshay in lasii wado hadallada Somaliland iyo Soomaaliya.

Siyaasiyiintan iyo aqoon yahannadan haldoorka ah ayaa kulan hay’adda Inspire Group Hargeysa ku qabatay todobaadkan, ayaa ku iftiimiyay mustaqbalka wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya iyo sidii qorshe cad looga yeelan lahaa.

Eng Maxamed Xaashi Cilmi waxa uu aamminsan yahay in aanay haba yaraatee wax wada hadal ah yeelan Somaliland iyo Soomaaliya “Wada hadalladii hore ee la furay waxbaa la isku yar af gartay aan saxna ahayn laakiin, haddana Soomaaliya way ka baxday marka sidee baynu ku aammini ku dambe oo lala galo? Miyaynaan ilbaxayn ba? Waxa weeye aynu isku noqono oo shaydaanka iska naarno oo gabogabada ogolaano in aynu noqono laba dal oo isbarbar ah oo mid walba gaarkiisa u shaqaysanayo oo haddii aynu wax qabsanayno iyo haddii ay wax qabsanayaan aynaan is faro gelin laakiin, aynu Soomaaliya la fadhiisano oo aan wax is nidhaahno oo aan wax isku ogaano hore ayaynu u soo eednay kolkaa aynu ka ilbaxno aynu ka ilbaxno aynu ka ilbaxno,” Sidaas ayuu yidhi Eng Maxamed Xaashi.

Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo tixraacaya mawqifka Eng Maxamed Xaashi Cilmi ayaa yidhi “Jawaabta ugu horaysa ee aan su’aashan ka bixinaya waxa weeye Maxamed wuxuu yidhi MAYA wax dambe oo aynu ka wada hadalna ma jiro haddii aan fahmay jawaabtiisa. Anigu waxaan leeyahay lagama maarmaan weeye in la is hor fadhiisto oo lala hadlo, HAA baan leeyahay, waayo haddii aan mag doonayso dee waa in aad hor fadhiisatada dadka aad magta ka doonayso oo aad qancisaa, marka su’aasha jawaabteeda oo gaaban waa Haa waa in la wada hadlaa.”

Prof Samatar oo doodiisa sii xoojinaya ayaa ka hadlay sababta ay tahay in loo wada hadlo waxaanu yidhi “Anigu waxaan isleeyahay laba amuurood baa ugu waaweyn in la wada hadlo; Maxay tahay ta ugu horaysa? Dee Maraboob bay inagu noqdeen (Soomaaliya) marka waa in aad iska furfurto dee. Haddii aad iska furfuraysana waxyaabaha inaga dhexeeya ee fara badan oo wasiirradeenii hore qaarkood taataaban doonaan dee waa in waxyaabaha jawaabahoodii la helo, xisaabaadka inaga dhexeeya waa in lagu heshiiyo oo meel la isla dhigo.

Ta labaad ee wada hadalka Soomaaliya Muftaaxa ugu yahay Maraboobta sida aynu iskaga furfurayno waxa weeye iyagii baa inagu maran oo Adduunyadii inaga hor jooga ee in ay Adduunyadii ina garato. Anaga ka wakiil ah ayay leeyihiin goor walba, waa dadkayagii, waa walaalahayagii waa isla waddankii anaga ka wakiil ah ilaa imikana Adduunyadii waxay leedahay waa runtood oo safaaradihii Hargeysa ma fadhiyaan ee Xamar bay fadhiyaan, marka haddii ay inagu culus tahay in ay Adduunyadii inaga garato oo aynu noqono dad kuraastoodii ku leh Adduunyada meel walba waxa lagama maarmaan ah Maraboobta Soomaaliya in aynu iska furfurno taasina hadal bay u baahan tahay,” Sidaas ayuu yidhi Prof Samatar.

Prof Samatar oo ka hadlaya qaabka Soomaaliya loola hadlayo waxa uu sheegay in ay tahay in Somaliland dejiso qorshe cilmiyaysan oo wada hadal kaas oo ku salaysan taariikh iyo dood aanay jabin Karin Soomaaliya “Anigu waxaan odhan lahaa sidan qisadeenu ha u eekaato haddii dib loo qorayo oo dib loo habaynayo: Koow bal in aynu marka hore macnayno Somaliland waxay ahaan jirtay intii aanu gumaysigu iman 1880s ka hor wixii aynu ahaan jiray oo iyada oo cilmiyaysan la dhigo oo aan sheeko xariiro ahayn oo xattaa haddii ay suuro gal tahay la soo bandhigo waxyaabo aynu Soomaalida kale kaga duwanayn,” Sidaas ayuu yidhi Prof Samatar oo intaasi raaciyay in arrinta labaad laga dhigo wixii ay Somaliland isla soo mareen Ingiriiska 1884 ilaa 1960 oo ay xorriyadda ka qaadatay, mar saddexaadkana la darso waxyaabihii la isla soo maray 1960 ilaa 1991 intii dawladdii lagu midoobay ee Soomaliya jirtay iyo ugu dambeyn in la xuso marka afraad 1991 “ Marka ugu dambeysana yaa qaadaya farriinta Somaliland? Halkee la gaynaya? Waa in aan arrimaha ka hadalna. Aniga waxay ila tahay in aynu la soo baxno dadka ugu xariifsan Somaliland rag iyo dumarba waa haddii ay inaga dhab tahay doodda Soomaaliya ee Adduunyaduna dhegaysanayso,” Sidaas ayuu yidhi Prof Samatar oo intaasi raaciyay haddii qorshahaasi socon waayo ay Somaliland yeelato qorshaheeda labaad.

Sucaad Carmiye oo qayb ka ahayd doodda ayaa taageertay in Somaliland wada hadal la gasho Soomaaliya “Marka laga hadlayo wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, Soomaaliya in lala hadlo waan aamminsanahay laakiin, wax kasta oo aynu ku helayno Citiraaf haddii aynu ku xidhno Soomaaliya meelna ma gaadhayno ayaan aamminsanahay,” Sidaas ayay tidhi Sucaad oo sidoo kale aamminsan in qorshe cad lala hor tago Soomaaliya. Waxa ay si weyn u dhalliilay kulamadii hore u dhexmaray Somaliland iyo Soomaaliya oo ahaa bilaa qorshe aan waxba ka soo bixin.

Xirsi Cali Xaaji Xasan hoggaamiyaha xisbiga WADDANI ayaa isna xoojiyay doodda ah in la sii wado wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya “In la wada hadlaa waxaan u arka in ay muhiim tahay, in ay Somaliland muhiim u tahay oo Soomaaliya muhiim u tahay, gobolkan aynu joogno guud ahaanba ay muhiim u tahay.

Muhiimadda ay leedahay waa shayga suurta gelinaya in ay Dunidu inagu soo noqnoqoto waana dariiqa Dunida ilbaxa ahi wax ku kala hesho wada hadalladu, waa shayga muujinaya in Dunidu inagu soo noqnoqoto iyada oo aan dan kale inaga lahayn oo leh wada hadla horteedna ay ina waydiin jirtay maxaa ula hadli waydeen intii aynaan wada hadallada furin,” Sidaas ayuu yidhi Hoggaamiye Xirsi oo intaasi raaciyay in ay tahay in Somaliland garteeda sheegato maaddaama ay gar leedahay.

Maxamuud Xaashi Cabdi wasiirkii hore ee madaxtooyada ayaa Soomaaliya ku eedeeyay in ay burburisay dhammaan waxyaabihii lagu heshiiyay 7 kulan oo la yeeshay taas oo meesha ka saartay niyad wanaaggii lagu bilaabay wada hadallada haddana aanay Soomaaliya muhiimad u arag in la wada hadlo “Anigu ma qabo in la joojiyo wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, ma qabo in wada hadallada lagu galo qaabkii hore ee loo waday, waxaan qaba in mawqifka madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi uu ka qaatay wada hadalladu sax yahay kaas oo ah Soomaaliya in aynu ku wada hadalno fagaare caalami ah oo la inagu dhexdhexaadiyo, muumin laba god lagama wada qaniino, wada hadal labadeenu kali isku nahay oo kuwii ay shalayba buriyeen ee waxba ka soo bixi waayeen oo kale ah maantana macno samayn mayso,” Sidaas ayuu yidhi Maxamuud Xaashi.

Prof Axmed Cabdi Muuse Abyan musharax ku xigeenka xisbiga UCID oo ugu dambeyn hadal ka jeediyay madasha ayaa taageeray doodda ah in Somaliland iyo Soomaaliya wada hadlada sii wadaan lagana dhigo kuwa dhab ah oo qorsheyaal cadcad leh. Waxa kale oo uu taageeray qaabka Prof Samatar sheegay in ay tahay in loo dejiyo jidka ka horeeya wada hadalka iyo doodda lala tagayo.

Xigasho: Wargeyska Waaberi.