London(ANN)-Gudoomiyaha ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA,  Maxamuud Cabdi Jaamac “Xuuto” ayaa ka qayb gelay shir caalamiya oo ku saabsan difaaca xoriyada Saxaafada, isla markaana looga dhigay   Defend Media Freedom.

shirka Media Defend Freedom 10 July 2019 London Araweelo News Network
shirka Media Defend Freedom 10 July 2019 London Araweelo News Network

Shirkaa oo maanta ka furmay magaaladda London dalka Britain,  ayaa waxaa ka qaybgalay 1500 qof oo ka kala socday 100 wadan oo dunida ah, sidoo kale, waxa lagu casuumay oo ka qayb galay lix wasiir, masuuliyiin ka socotay Qaramada Midoobay, ururada bulshada rayidka ah iyo Dublamasiyiin ka socday safaaradaha degan UK.

shirka Media Defend Freedom 10 July 2019 London Araweelo News Network
shirka Media Defend Freedom 10 July 2019 London Araweelo News Network

Wasiiru dawlaha dawlaha horumatinta caalamiga ah ee dalka Ingiriiska Harriet Baldwin oo ka hadashay furitaanka shirka, ayaa sheegtay  in dawladda Britain inay lacag u dhiganta  shan iyo toban milyan oo dollsr u qoondaysay sanadkan horimarinta saxaafadda dunida.

shirka Media Defend Freedom 10 July 2019 London Araweelo News Network
shirka Media Defend Freedom 10 July 2019 London Araweelo News Network

Sidoo kale, waxay Harriet Baldwin sheegtay in qabsoomida shirka balaadhan ay ku bixiyeen Afar milyan oo dollar, lacago kalena ay dalal gaar ah u qoondeeyeen sanadkan, si looga shaqeeyo bad qabka suxufiyiinta Caalamka.

Wasiirka Arrimaha dibedda dalka Canada oo qayb ka ah dalalka qabsoomida shirkan suurta geliyay,  ayaa ka sheegay in loo baahan yahay warbaahinta in loo tixgaliyo inay yihiin muraayada la isku saxo, isagoo  siyaasiyiinta ugu baaqay inay ilaaliyaan bad qabka suxufiyiinta haddii kale dilka saxafiyiintu uu noqon doona mid jidka u jeexa in siyaasiyiintana la laayo

Guddoomiyaha SOLJA, Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) oo fadhiya shirka Media Defend Freedom 10 July 2019 London Araweelo News Network
Guddoomiyaha SOLJA, Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) oo fadhiya shirka Media Defend Freedom 10 July 2019 London Araweelo News Network

Suxufiyiinta shirka ka soo qayb gashay,  ayaa soo bandhigay tacadiyadii ugu xumaa ee lagula kacay suxufiyiinta dunida, waxayna qaramada midoobay iyo midawga yurub ka codsadeen in xidhiidhka loo jaro,  isla markaana cuna-qabatayn lagu soo rogo dalalka ay madaxdoodu suxufiyiinta u geystaan tacadi.

Ka qaybgalayaasha, ayaa yeeshay doodo kala duwan oo ay isku waajaheen wariyayaasha iyo siyaasiyiintii shirka ka qaybagalay, , waxaana lagu falanqeeyay caqabadaha ka jira dhinaca shuruucda saxaafadda, gaar ahaan dacwadaha saxaafadda ka soo horjeeda.

Waxaana Hay’addaha Garsoorka ee dunida iyo saraakiisha  xeer ilaaliyayaasha iyo Booliiskaba loo soo jeediyay baaqyo kala duwan, iyadoo suxufiyiintu culayska saareen in xogo dhab ah iyo baadhitaano dheeraad ah lagu sameeyo dilalkii loo gaystay suxufiyiin kala duwan oo daafaha dunida lagu khaarajiyey.

 Shirkaa oo laba maalmood  socon doona, waxa lagaga hadli doonaa horumarinta saxaafadda, faa’iidada iyo waxyeelada Electronic Media, ama (New Media) ama waraahinta Online Media, doorka iyo saamaynta ay  leedahay dunida maanta iyo sidii loo joojin lahaa gacan ka hadalka suxufiyiinta.

Shirka oo ahaa mid ahmiyad weyn u lahaa suxufiyiinta dunida oo ku shaqeeyo duruufo iyo xaalado kala duwan, ama deegaamo iyo dalal dabeecado iyo kala nidaam duwan, ayaa noqonaya mid ahmiyad gaar ah u leh Saxaafada Somaliland, waana markii u horaysay ee shir sidan u ballaadhan ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA cid metelaysaa ay ka qaybgasho.