Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Axsaabta Mucaaradka ayaa ku baaqaya muddaharaadyo laga dhigo dhamaan gobollada dalka oo ay sheegeen in yihiin kuwo si nabad ah ay isugu soo baxayaan, wallow aannay cayimin xilliga ay bilaabayaan.

Laxidhiidha: Somaliland: Guddoomiye Faysal Oo Ka Hadlay Xaaladda Dalka Iyo Mudahaaradka

Baaqa mucaaradka ee ay ku baaqayaan mudaharaadka, ayaa yimi, kaddib markii ay maalmo ka hor isa soo xidhay rajadii wadahadalka ergada isugu biyo shubatay labada Guddoomiye ee Gollaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Guddoomiyaha Wakiillada, Cabdirisaaq Khaliif oo ku wargeliyay mucaaradka in aannay wax natiijo ah ka hayn kulamadii Madaxweyne Biixi iyo xukuumaddiisa ee ay jawaabta ka sugayeen hoggaamiyayaasha labada Xisbi mucaarad ee WADDANI iyo UCID.

Laxidhiidha: Khilaafka Siyaasadda Oo Mar Kale Hadheeyay Saaxada Iyo Mudaharaadyo Mucaaradku Ku Baaqay

Mucaaradka, ayaa markaa kaddib si dhab ah u shaaciyay in ay sii wadayaan mudaharaadyadii ay hore u hakiyeen marka la bilaabay dhexdhexaadinta xalka loogu raadinayay murranka soo jiitamay iyo khilaafka doorashada Madaxtooyadda iyo tartanka ururrada iyo axsaabta qaranka.

Dhawaaqyo saacadihii u danbeeyay kasoo baxayay deegaamada qaarkood ayaa muujinayay taageero Odayaal, madaxdhaqameed, dhalinyaro rag iyo haweenba leh oo shaashadaha layska arko ee maxaliga ah ka jeedinaya dhawaaqyo ay ku sheegayaan in ay taageerayaan mudaharaadyada ay ku baaqeen mucaaradku, iyadoo dhinaca kalena xukuumadda si weyn ugu dhaliilay khilaafka xalka loo waayay ee murranka doorashada iyo dhibaatooyinka kale ee sida ba’an u saameeyay nollosha bulshada.

Dhinaca kale, Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, ayaa ku wargeliyay maanta farriin uu mariyay khadka Isgaadhsiinta ee Mobile-da, isla markaana si gaar ugu koobnayd xubnaha Gollaha dhexe in ay kasoo xaadiraan kulan loo qabaanyo, sida ay u sheegeen shebekaddaha Araweelo News Network, saraakiisha WADDANI,, balse ma sheegin ujeeddada kulanka loogu yeedhay xubnaha gollaha dhexe ee lagu wargeliyay, wallow kulanka loogu baaqay xubnaha gollaha dhexe loo fasiran karo mid ay doonayaan in ay ugu diyaar garoobaan mudaharaadka ay ku baaqeen ee aannay xilliga loo asteeyey shaacin masuulyiinta labada Xisbi.

Saraakiiisha Booliska ayaa dhankooda ka digaya in la qabto mudaharaad aan fasax sharci ah haysan, sida ay ku doodayaan,Booliksu, waxayna ku hanjabeen in ay tallaabo ka qaadayaan ciddii ku kacda mudahraad aan la fasixin.

Sarkaal u hadlay Booliska ayaa Bulshada ka codsaday in ay lasoo socodsiiyana haddii ay arkaan abaabulka mudahaaradka ay ku baaqeen mucaaardku, , “Mudaharaad aan fasax loo qaadan oo lasoo abaabulo waa sharcidaro, Booliskuna wuxuu u abuurayanay sharcidarada.” sidaa waxa yidhi, mid ka mid ah saraakiisha Booliska Somaliland, iyadoo heegan la geliyay Booliska iyo dhammaan hay’addaha amniga, taas oo qayb ka ah dhawaaqyada iyo baaqyada kasoo baxaya labada Xisbi ee Mucaardka WADDANI iyo UCID, kuwaas oo wada abaabul diyaargaraw iyo baaqyo tageero ah oo ay ku abaabulaayan in ay taageero uga helaan Bulshada isu soo baxyada ay ku baaqayaan ee ka dhashay khilaafka ka taagan murranka doorashooyinka Madaxtooyadda ee hore loo saadaalinayay 13 November 2022 iyo furista Ururrada siyaasada iyo axsaabta oo isku cayn iyo bayd go’ay, isla markaana khilaafka ka dhashay noqday mid xal loo waayay oo xaaladda siyaasada iyo jawiga u sameeyay muuqaal aan natiijadiisa la saadaalin karin halka uu ku biyo shubanayo.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com