Mwanza. Tanzania (ANN)-Wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland ayaa ka qayb gashay shir caalami ah oo lagu qabtay Mwanza oo ka tirsan dalka Tanzania.

Shirkaa  ay soo qaban qaabiyeen Baanka  Aduunka, iyo dawlada Tanzania, iyadoo ay ka qayb galeen, In ka kabadan 200 ergay oo ka kala socda ilaa 40 dal  oo afrika ah, iyo 20 shirkadood oo ah kuwa ku shaqeeya Teknooloojiyada (artificial intelligent ).

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Soamliland Cumar sayid Cabdilahi Adan ayaa ka qayb galay shirkaas oo soconaya muddo saddex maalmood ah.

Kulanka, ayaa lagaga hadlayay sidii loo horumarin lahaa addeega gaadiidka guud ahaan qaarada Africa ,sida wadooyinka, gaadiidka Badda, iyo gaadiidka cirkaba gaar ahaan, addeega loo yaqaano diyaaradaha aan cidna wadin ama ( Drones ) oo la tijaabinayo in qaaradu markii ugu horaysay ay uga faaiidaysato in kaargoo ahaan loogu gudbiyo tuulooyinka fog fog ee aan wadooyinku tegin, iyada oo loo istimcaalayo isu gudbinta dawooyinka, cuntada fudud, caawinta deg deg ah , xog ururinta iyo sarfaga ( data collection and surveillance) iyo wixi la mid ah.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda gaadiiidka ee dalka Tanzania H.E Eng Atashasta Nditiye , ayaa ka hadlay furitaanka, sidoo kale Agaasimaha  guud ee Hay’adda duulimaadyada wadanka Tanzania ( TCAA), Mr Hamza Johari , Duqa magaalada Mwanza H.E John Mongella , safiirka switzerland u fadhiya wadanka Tanzania, H.E Arthur Mattli madaxa baanka aduunka ee wadamada ,Tanzania, Malawi,Burundi iyo Somaliland/SomaliaMs. Bella Bird , saraakiil ka socotay Hay’adda  ICAO.

Wadamo badan oo Africa ah ayaa soo bandhigay barnaamjiyo tijaabo ah oo ku saabsan qaabka gaadiid ahaan loogu isticmaali karo mustaqbalka diyaaradaha drones, gaar ahaan wadanka Rwanda oo horumar fiican arintaas ka sameeyay, waxa sidoo kale soo bandhigay drones cusub oo aduunyada wax wayn ku soo kordhin doona in ka badan 20 shirkadood oo intooda badan laga leeyahay Asia, iyo yurub.

Ugu dambayn waxa la isku raacay in qaarada afrika iyada oo kaashanaysa saaxiibadeeda caalamka oo baanka aduunku ugu horeeyo, in awooda la saaro horumarinta gaadiidka iyo dhismaha wadooyinka iyo isku xidhka qaarada guud ahaan.–