Share this:

" />
Published On: Mon, Jun 10th, 2019

Somaliland: Wasaaradda Deegaanka Oo Lagu Eedeeyay Inay Ka Ganacsato Duur-joogta

Smiley face

Hargeysa (ANN) – Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland, ayaa lagu eedeeyay inay si qarsoodi ah ugu jirto ka ganacsiga iyo dhoofinta duur-joogta.

Cabdi Cali Gadhle oo ah khabiir ku xeeldheer arrimaha Duur-joogta Somaliland, ayaa Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, wuxuna sheegay in siddeed Harrim-cad (Leopard) ay si hoose u iibisay wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga Somaliland, shixnadaa  oo la doonayo in dalka laga dhoofiyo dhowaan.

Sideetan Harrim- cad oo hore looga reebay dad iibsanayey ayaa lagu wareejiyay  shirkad ka baayac mushtaraysa xayawaanka duur-joogta, taas oo wadamada nidaamkoodu jilicsan  yahay si khiyaamo ah uga dhoofisa waxayna  dhowaan imanaysaa dalka si ay  u dhoofiso  Harriim- cadkaas  si ay uga iibiyaan goobaha xayawaanada lagu hayo ee dunida.

Cabdi Cali ayaa sheegay inuu khaati ka taagan yahay Carabta dalka u yimaada inay cunaan shimbaraha waaweyn ee Somaliland caan ku tahay, waxaanu xusay inay garab siinayaan siyaasiyiin ay ku jiraan rag Wasiiro hore soo maray iyo Odayaal Madax-dhaqameed ah oo ku xidhan shaqsiyaad u dhashay Carabta, kuwaas oo cidhib tiraya duur-jooga Somaliland.

“Maalin walba waxaanu isku haysana duur joogta Carab rag waaweyn oo wadanka caan ka ahi ka iibinayaan, laba jeer Madaxweynaha Somaliland ayaan uga mahad naqayaa oo anigoo hor taagan oo is haysana uu ogaaday oo uu labadaasi jeer wax ka qabtay, mar waxay ahayd Carab dilay shimbiro waaweyn ee Soomaalidu u taqaan  jugley (Kori Bustard), waxaana iisoo sheegay dadka deegaanka, markii aan dul tagay waxa isku qabsanay Wasiir Carabta la socda, anago sidii isku haysana si uu Madaxweynuhu ku ogaaday mooyee waxa noo yimid gaadhi ciidan ah oo dhamaan Carabtii iyo dadkii caawinayey ba xidhxidhay, ka dibna Carabtii la mustaafuriyey”ayuu yidhi Cabdi Cali.

Dhinaca kale, isagoo ka hadlaya Carab ay isku qabsadeen iyagoo ugaadhsanaya shimbiraha waxa uu yidhi “ maalin kale Carab diyaarad wadatay oo madaarka ka soo degtay oo aad u faro badan baa doonaysay inay shimbiro badan qaataan, markii la isoo sheegay waxaan tagay halkii ay joogeen, waxa waday safiirkii hore Imaaraadka ee dhowaanta la  bedelay, anagoo sidii isku haysana waxa noo yimid Badhasaabka gobolka Saaxil oo Madaxweynuhu amar soo faray in aan xawaanka duur- joogta ah aanay Carabtasi dili karin, balse loo ogolyahay oo keliya inay ku dalxiisi karaan dhulka, ka dibna sidii bay Carabtii ku noqotay, labadaasi jeer Madaxweynaha, ayaa  iisoo gurmaday annagoo is hor fadhinna”.

Cabdi Cali waxa la shaqeeya dadka deegaanka oo telefoonadiisa haya si ay ugu soo sheegeen wixii Ajanabi guranayo, taas ayaa keentay inuu mar walba kormeer ku maro deegaanno kala duwan.

“Xeerka Somaliland wuxu sheegayaa in xayawaanka illaa ka ugu weyn aan dalka laga dhoofi karin, sidaas darteed, waxaan Madaxweynaha u sheegaya in sideedda Harrim- cad ee la dhoofinayo ee lagugu sheegay in lagu daryeelayo Koonfur Afrika oo lagu xanaanaynayo in aanay waxba ka jirin ee la kala iibsaday, koonfur Afrika lafteedu ma ogola in Hareemo cad aan kooga ahayn u yimaado maadaama oo koogii ka dhaqan bedelmayo marka uu tago hareema cad dal kale laga keenay, marka Madaxweynaha  waxba kama jiraan in halkaasi lagu xanaaneenayo ee shirkadaha iibsanaya ee waxaan ka doonaya inaad joojiso oo sideedda Hareemo cad ee wasaarada deegaanka jooga aanad ogolaan in la dhoofiyo”.

Cabdi Cali waa nin muwaadin ah oo haysta dhalashada Maraykanka, waxaana ku xidhan dalxiisayaasha reer galbeedka, kuwaas oo uu daawadsiiyo dugaaga dalka Somaliland jooga, waxaanu wax ka qoray xawayaanka kala duwan ee ku nool geeska Afrika.

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley face Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face

Araweelo is an Associated Network News, The most trusted source for news & Political,investigator report,Human Rights Issues,Educations,Social and Democracy ,Latest News Horn of Africa. runs Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist based in Somaliland.

Chat with us on WhatsApp