Araweelo News Network
muuqaalkadiyaarada
Hargeysa(ANN)Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL, Dr. Sacad Cali Shire ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka kadib safar shaqo qaatay laba todobaad uu ku maqnaa dalka Ingiriiska. Wasiirka oo saaka aroortii ka soo degay Gagada Caalamiga ah ee Cigaal International Airport, magaalada Hargeysa wuxu Qolka Nashada (VIP Lounge) ee Madaarka ugu waramay warbaahinta; waxanu tilmaamay Wasiirku in safarkiisa shaqo ku soo dhammaaday si guul leh oo hawlo badani usoo qabsoomeen mudadii uu ku sugnaa carriga Ingiriiska.
“Intii aan joogay wadanka ingiriiska waxannu la kulannay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Ingiriiska u qaabilsan Afrika Mudane James Duddridge, waxa kaloon la kulannay jaalliyadda oo aan xubno badan kala kulannay wadatashina yeelanay, waxa kaloon la kulannay dad danaynaaa inay wadanka maalgashadaan, waxa kaloon la kulannay dad kaloo hawlo badan oo shaqo innaga dhexeeyaan, waxan la kulannay maalintii ugu dambaysay ee shalay golaha deegaanka xaafadda Tower Hamlets oo aan uga mahadcelinnay mooshinkii ay ku ansixiyeen aqoonsiga Somaliland. Markaa safarkaasi wuxu ahaa safar si wanaagsan noogu soo dhammaaday Alxamdulilaahi,” Wasiir Dr. Sacad Cali Shire.
Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha DIbadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL, Dr. Sacad Cali Shire oo wax laga waydiiyay arrinta fiisaha Ethiopia ayaa sheegay inuu ka xunyahay in bulshada Somaliland kala kulanto dhibaato helitaanka fiisaha ay ku galayaan dawladda aan jaarka nahay ee Ethiopia, waxanu tilmaamay inay tahay arrin farsamo oo rajaynayo in si dhakhso ah wax looga qaban doono.
“Aad iyo aad baan runtii uga xumahay waana nasiib darro in shicibkeennu ay dhibaato badan kala kulmaan arrinkaa fiisaha. Waa mashkalad farsamo, Insha Allah waxan rajaynaynaa in arrinkaa farsamo ee dhibaatada keenay la xalliyo sida ugu dhakhsaha badan, waanan ka hawlgalayaa,” Wasiir Dr. Sacad Cali Shire.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380