Araweelo News Network.

 

Hargeysa(ANN)-Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed, ayaa tilmaamay astaamaha aasaaska u ah hoggaamiyaha (leadership), isagoo sharaxaya arrintaa wuxuu soo qaatay tusaalayaal iyo xikmaddo kow ka ah astaamaha lagu garto hoggaamiyaha.

Wasiir Maxamed Kaahin, wuxuu hadalkaa ka sheegay munaasibad uu xilka ugu kala wareejiyanayay maanta Maayarka cusub ee Hargeysa, Cabdikariim Axmed Moogge iyo Maayarkii hore ee Caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid )Cabdiraxmaan Soltelco) munaasibadaa oo lagu qabtay dulleedka galbeed ee magaaladda Hargeysa oo ay yaaliin qalabka uu Maayarkii hore wareejiyay ee macdaadka ay leedahay dawladda Hoose.

Maxamed Kaahin, wuxuu sheegay in qalabka iyo macdaadka lagu wareejiyay Maayarka cusub iyo gollihiisa deegaanka  uu ka waraqabay  oo lasoo iibiyay xilligii wasiirradii isaga uga horeeyay xilka wasaaradda ee Cali Maxamed Warancade ka mid ahaa, isagoo xusay in lacag dhan $4 milyan iyo dheeraad  ay ku baxday, sidaa awgeed looga baahanyahay maamulka cusub in ay ka faa;ideeyaan.

Wasiirka Arriimaha guddaha Maxamed Kaahhin, ayaa dhinaca xusay wax-qabad uu sameeyay Maayarka xilka wareejinayaa, isagoo tilmaamay in qalabka goobta yaalaa kow ka yahay, isla markaana wuxuu Maayarkii hore ku ammaanay dulqaad iyo hoggaamin.

“Cabdiraxmaan Solteco, waxaan ka markhaati kacayaa inuu wax baddan qabtay, waxaan oggahay inuu yahay masuul dulqaad iyo dadnimo leh oo gobbanimo sameeyay, gollaha quruxda baddan ee maanta xilka la wareegaya Cabdiraxmaan ayaa sabab u ahaa inuu quruxdaa yeesho oo aan lagu tartamin, wuxuuna qaatay  go’aan adag markii aannu usoo jeedinay inuu tanaasulo, waxay ahayd arrin addag, laakiin isagoo aan isbedelin ayuu qaatay gobonimadaa.” Ayuu yidhi.

Wasiirka arrimaha guddaha Maxamed Kaahin, wuxuu tilmaamay astaamaha aasaaska u ah hoggaamiyaha, isagoo tusaale usoo qaatay Maayarkii hore Cabdiraxmaan SOLTELCO, wuxuuna sifada ugu horaysa ee laga eego hoggaamiyaha ku tilmaamay dulqaad, isagoo yidhi, “Waxaan ka markhaati furayaa inuu Cabdiraxmaan dulqaad iyo deganaansho leeyahay, qofka masuulka waa la caayayaa, waa la dhaliilayaa, waa la maagayaa, ama waa la xumaynaaya oo la xamanayaa,, annigu hadaanan xilka hayn cidna I maagimayso, masuuliyadana qawaacidkeeda ugu horeeyaa waxa weeye in qofka masuulka ah ee hoggaamiyaha ah inuu leeyahay dulqaa, siyaasaduna waa adkaysi., markaa waa inaad adkaystaa markaad hoggaamiye tahay in lagu maago iyo in lagugu mudaharaado.” Ayuu yidhi, Maxamed Kaahin.

Maayarka Cusub Muxuu ka yidhi, Ganacsatada, ballanqaadkiisii Ollolaha Shaqaallaha Dawlladda Hoose Iyo Dakhliga?

 

Published Araweelo News Network.

Please share with your friends the news and information provided by the networks Araweelo News Network.

 

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com