Araweelo News Network.

 

Hargeysa(ANN)-Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Muumin Seed, ayaa maanta Hadhimo-sharafeed u sameeyay Hoggaanka cusub ee loo doortay Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA.
Alt: Araweelo News Network

Wasiirka Horumarinta Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed Image Araweelo News Network 3 Jan 2021.

Casuumad-sharafeeddan oo ka qabsoontay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka qayb-galay Wasiirrada Wasaaraddaha Ganacsiga Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), Warfaafinta Saleebaan Cali Koore, La Taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha doorashooyinka Cabdullaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Guddoomiyihii hore ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), Guddoomiyaha Telefiishanka Horyaal Maxamed Cismaan Mire (Sayid), Saxafiyiin iyo hoggaanka cusub ee loo doortay SOLJA.
Qado-sharaftan uu Wasiirka Beeruhu ku maamusay Hoggaanka loo doortay SOLJA oo ka kooban 15 xubnood, ayaa waxa hadallo ka soo jeediyey Masuuliyiinta ka qayb-galay, kuwaasi oo Wasiirka Beeraha ku bogaadiyey Casuumadda uu u ku maamusay Hoggaanka loo doortay SOLJA.
Guddoomiyihii hore ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) oo ugu horrayn halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Soo dhaweynta diiran ee xilka loogu soo dhaweeyo (Hoggaanka cusub ee SOLJA) waxay ka tarjumi doontaa in iyaguna ay xilkaa loo doortay si wanaagsan uga shaqeeyaan..”

Cabdullaahi Maxamed Daahir (Cukuse) Image Araweelo news Network 3 Jan 2021

La Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha doorashooyinka Cabdullaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa dardaaran u jeediyey Hoggaanka cusub ee SOLJA, waxaanu yidhi “Waxaan idin leeyahay, barta Xariifnimadii ay samayn jireen waayeelka hoggaanka SOLJA idiinka soo horreeyay, taasi oo ay saaxiib kula ahaan jireen Wasaaradda Warfaafinta, Madaxtooyada, Mucaaradkana Saaxiib kula ahaan jireen, Xariifnimadaasi wax kale maaha ee waxa Xeerka Saxaafaddu idin barayo oo ah inaad ahaataan Nadiif aanu ku jirin cuqdad qabiil iyo mid xisbi toona..”
Guddoomiyaha cusub ee SOLJA Sakariye Axmed Muxumed oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa u Mahad-celiyey Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Axmed Muumin Seed oo Hadhimo-sharafeedda u sameeyay “Haddaanu nahay 15-ka xubnood ee dhawaan loo doortay hoggaanka SOLJA, aad iyo aad baanu Wasiir kaaga Mahad-celinaynaa (Casuumaddan) waad ku Mahadsan tahay, macnaha guud ee Qadaduna waa inaad na maamuusteen oo aad na garateen, annaguna waanu idin ognahay Maamuuskan, aad waad u mahadsan tihiin, gaar ahaana Wasiirka Wasaaradda Beeraha JSL, Mudane Axmed Muumin Seed..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Haddaanu nahay hoggaanka SOLJA oo isagu jira 7 qof oo hore ugu jiray hoggaanka SOLJA saddexdii sanadood ee u dambeeyay iyo 8 Qof oo cusub, dhammaantayo waxaanu isku kaashanaynaa wanaagga iyo ilaalinta Suxufiyiinta..”
 
Ugu dambayn, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Md. Axmed Muumin Seed, ayaa isaguna halkaa ka jeediyey hadal dheer oo uu kula dardaarmay hoggaanka cusub ee SOLJA, waxaanu sheegay in sababta uu Marti-qaadka u sameeyay tahay inuu saaxiib dhow la yahay bahda Warbaahinta, waxaanu isagoo arrimahaa ka hadlaya yidhi “Marti-qaadkani wuxuu ka tarjumayaa maaddaama oo aad tihiin jiilkii dhallinyarada ee Qaranka u kaydsanaa, xaq baad noogu leedihiin haddaanu nahay Masuuliyiintiina cid kasta oo la doorto oo dhallinyarada ka mid ah inaanu soo dhaweyno oo aanu nidhaahno Hambalyo, markaa guddoomiyaha SOLJA iyo Guddigiisa lala doortay waxaan leeyahay Hambalyo.”
Wasiir Seed oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay “Xilku wuu iska dhib badan yahay, wuxuu iska eed badan yahay, wuu iska xasarad badan yahay, markaa waxaan Ilaahay idiinka baryayaa inaad noqotaan hoggaan intaa xilku leeyahayba u adkaysta.” Ayuu yidhi, isagoo kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan inay soo dhaweeyaan xubnihii ka cadhooday shirka SOLJA.
Wasiirku wuxuu ugu dambayn sheegay “Marka la eego Wasiirrada, Anigu waxaan u malaynayaa inaan ahay Wasiirka xagga Saxaafadda ugu saaxiibka badan, markaa Rag badan oo dibedda ku maqane way jiraane, aniga laftaydu xalka qayb baan ka noqon doonaa..” ayuu yidhi, Muumin Seed.