Araweelo News Network

shugriboondareHargeysa (ANN) Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga ee Jamhuuriyadda Somaliland marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa shaacisay dhul wasaaradeedu lahayd oo dad gaar ahi kala iibsadeen.
Wasiir Marwo Shukri Baandare oo hortagtay Guddiga Joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland shalay, waxay soo bandhigtay caqabadaha hortaagan hawlaha shaqo ee Wasaaradeeda iyo dhibaatooyinka kala duwan ee halista ku haya badbaadinta deegaankii dalka oo haddii aan degdeg wax looga qaban ay ka dayrisay.
Wasiirku waxay xustay inay wasaarad ahaan dedaal badan ugu jiraan sidii loo badbaadin lahaa deegaanka, isla markaana ay hirgeliyeen wacyigelin fara badan oo badbaadada deegaanka ah oo dadka la siiyey, balse waxay tibaaxday caqabado haysato oo ay ka mid yihiin xafiisyadii ay ku shaqaynayeen.
“Caqabadaha na hortaagan waxa kow ka ah gaadiidka, dhismayaashii wasaaradda ee Hargeysa waxa hadda nalagaga jiraa laba dhisme, xarunta guud ee Wasaaradda waxa nagula jira qoys iminka ka baxaya oo guri loo helay aannu ku dedaalayno in loo raro. Magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil dhul wayn oo wasaaraddu ku lahayd oo ahaa 1.2KM waa nalaga qaatay, waana la sii kala iibsaday baa la yidhi, welina dhul kale beddel na looma siin, dhulkaasi wuxuu ahaa halkii dhirta lagu beeri jiray ee xeebta Batalaale, sidoo kale, xaruntii guud ee Wasaaradda ee Berbera dhexdeeda nin baa yidhi meel baa beri laga siiyey, kadibna waxay gaadhay Madaxweynaha oo warqad qoray ah in ninkaa iyo ciddii kale ee la mid ah ee wax haysataba dhul la siiyo, annagana waxbaa nalagu soo xukumay, laakiin ilaa maanta oo laba sanno ayaanu maraynaa oo dhulkaasi weli gacantayada ma soo galin, waxaaban yaabahay dadka bixin kara xafiis dawladeed dhexdii, arrintaasina waa caqabad na haysata,” ayey tidhi marwo Shugri Baandare.
Waxa kaloo ay intaas ku dartay; “Caqabadaha kale ee na hortaagani waa dhul boob, dhulkaa soconaya ee habeen iyo maalin la oodayo ee aan xadka lahayn, waayo dhulkii la daaqayey ayaa dad loo casaynayaa oo loo caddaynayaa, markaad oodda wayn cid ku soo qabato ee aad soo xidhana boqol qof baa daba socda oo caaqil iyo oday baa socoda oo hadduu doono wasiir baa soo raacaya oo yaab baa ku dilaya, markaa dhul-boobkaasi taagan waa mid doonaya in sharciyadeedii la mariyo.”
Waxa kaloo ay ka warrantay dhibaatooyinka halista ku haya deegaankii dalka ee keeni kara nabaad-guurka iyo in xoolihii noolaa meesha ka baxaan, “Waxyaabo badan oo isa soo tarayey ayaa deegaankii hoos u dhigay, sida uu u sii socdana haddaan wax laga qaban wuu ka sii darayaa, anigu waxaan qabaa tobanka ama shan iyo tobanka sannadood ee soo socda haddaan deegaanka wax laga qaban in aanay xoolo dambe inoo dareerayn, sababtu waxa weeye neefkii meeshii uu daaqi lahaa markay dad xidheen, markay deegaamayn cusubi ku socoto dhulkii, marka berkadaha iyo balliyada biyaha ee laga qodayo aan loo aabboyeelayn ee aan la odhanayn halkay ku habboontahay, waxay noqonaysaa in xoolihii tartiib nooga dhammaadaan,” ayey tidhi Wasiirku, waxaanay iyadoo hadalkeeda sii wadata intaa ku dartay, “Deegaamaynta cusub oo iyaduna colaado joogto ah keenaysa ee cid waliba leedahay aniguna halkaasaan buste dhigtay ee la isku wada dilayo daaqii iyaduna dhibaatadeeda ayey leedahay, arrintaasi in wax nalaga qabto oo weliba Guurtidu kow ka tahay ayaa loo baahan yahay.”
Wasiirka Deegaanku waxa soo jeedisay in barashada isbeddelka ku dhacay cimilada iyo u diyaargarwogeedu tahay masuuliyad qaranka saaran oo loo baahan yahay in laga tashado, waxaanay tidhi, “Sidii isbeddelkan cimilada dadka looga dhaadhicin lahaa ee dadka iyo waddankuna uga gaashaanman lahaayeene waa mid jirta, roobkaa marka uu da’o biyihii aanay dhulka galayn ee aan baadkii soo saarayn, biyahaa qulqulaya ee badda galaya, ciddii nafaqada lahayd ee wax soo saari lahayd ee socota, geedka Garanwaaga oo dhulka ku sii badanaya oo abaarta sii kordhinaya oo biyihii isagu wada liqaya.”