Hargeysa(ANN)-Wasiirka Diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, oo magaalada Ankara ee dalka Turkiga ku sugan, ayaa kulamo muhiim ah la yeeshay Masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda iyo Hay’adaha Khayriga ah ee Turkiga, kuwaas oo ay ka wadahadleen arrimo kala duwan.

Sida lagu sheegay War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Wararka ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, Masuuliyiinta Wasiir Khaliil la kulmay, waxa ka mid ah Guddoomiyaha Hay’adda Bisha cas ee Turkiga, Ergayga gaarka ah ee wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ee dowladda Turkiga, kaas oo ay ka wada hadleen arrimo la xidhiidha sidii bisha cas ee Turkigu gacan uga geysan lahayd caawimooyinka kala duwan ee Somaliland u baahantay.

Sidoo kale Errgayga, ayay ka wadahadleen Wasiirka sida ay Somaliland diyaarka ugu tahay wadahadallada iyo sida dhex-dhexaadnimada inuu ka istaago Turkigu wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya loogu baahan yahay.

Madaxa Hay’adda amma Wakaaladda Waqafka iyo arrimaha Diinta ee dowladda Turkiga, ayuu la kulmay Wasiirku, waxaanay ka wadahadleen sidii ay wasaaradda Diinta ee Somaliland ay ugala shaqayn lahayn lahaayeen dhinaca horumarinta arrimaha wasaaraddu ka shaqayso ee horumarinta diinta iyo sidii macallimiinta barashada diinta ka shaqeeya dhinaca tabobbarrada iyo kor u qaadista aqoontooda Turkigu uga caawin lahaa Somaliland.

Dr. Ali Erbas oo booskiisu yahay Wasiirka Diinta Turkiga, waxa uu u ballan-qaaday Wasiirka Diinta iyo awqaafta Somaliland, inay kala shaqayn doonaan tabobbarrada iyo horumarinta arrimaha Diinta iyo aqoonta guud ba, isla markaana ay Hay’adda arrimaha Diinta u qaabbilsan Turkigu Somaliland ka hirgelin doonto mashruuc cusub oo Diinta Islaamka iyo barashadeeda kor loogu qaadayo.

Ballan-qaadkaas oo muhiim ah, ayuu uga mahad-celiyey Wasiirku Masuulkan iyo dowladda Turkigaba. Wasiir Khaliil, ayaa Madaxa Hay’adda awqaafta iyo arrimaha Diinta Turkiga ku marti-qaaday dalka Somaliland inuu yimaaddo, taasoo uu isaguna ka aqbalay, kana mahad-celiyey.

waxa kale oo uu kulankaa laysla qaatay in Masuuliyiinta Hay’adda horumarinta mashaariicda iyo arrimaha bina-aadaminnimada u qaabbilsan Turkiga ee Tika, waxaanay ka wadahadleen sidii ay u xoojin lahayd hay’addaasi mashaariicda dhinaca horumarka iyo caawimada ee ay Somaliland ka fuliso u xoojin lahayd, una kordhin lahayd mashaariicdeeda, iyaga oo madaxda hay’addu Wasiirka u ballan-qaaday inay kordhinayaan mashaariicda dhinaca horumarka iyo wax-tarka bulshada jilicsan ee ay Somaliland ka fulinayaan.

Sidoo kale, Wasiirka Diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, waxa uu kulan la qaatay Dr. Khalid Irin Guddoomiyaha Hay’adda Dhaqanka, Taariikhda iyo Cilmi-baadhista Islaamka ee dalka Turkiga, waxay ka wadahadleen sidii ay Hay’addaasi arrimaha ay Turkiga u qaabbilsantay ay uga taageeri lahayd Somaliland, kuwaas oo ballan-qaaday inay Somaliland ka fulin doonaan mashaariic hor leh oo la xidhiidha horumarinta barashada culuumta Diiniga ah iyo Qur’aanka Kariimka ah.

Warka waxa lagu xusay in dhammaan kulammadaasi ay ku soo dhammaadeen is-faham iyo is-afgarad buuxa iyo ballan-qaadyo la xidhiidha wada-shaqayn fiican oo la sii wado. Gebogabadii Wasiirka Diinta iyo awqaafta Somaliland, waxaa Shahaado-sharaf uu ku maamuusay guddoonsiiyey Guddoomiyaha Basha Cas ee Turkiga