” Imtixaanka kumaanu adkayn Ardayda sidii sannadii hore, wuxuuna noqday kii nooqgu dhibta badnaa sannadkan,,,,,”Guddoomiyaha Imtixaanaadka Qaranka Daa’uud.

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Jamhuuriyadda Somaliland iyo xafiiska Imtixaanaadka Qaranka, ayaa soo gebagebeeyay Imtixaanaadka shahaadiga ah ee sannad-dugsiyeedka 2021-2022, kaas oo Sabti 11/6/2022 dalka si rasmi ah uga bilaabmay.


Ardayda ayaa ku jiray imtixaanaadka oo ka koobnaa 12 maado muddo Lix maalmood ah, iyadoo laba maadoba ay maalin gelayeen Ardayda Fasalada Dugsiga Hoose –Dhexe iyo sare ee Somaliland.

Alt: Araweelo News Network.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland, Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) oo kormeeya Arday Imtixaanka u fadhida 16 Jun 2022, Dugsiga Hoose-Dhexe ee Biyo-dhacay oo ka mid ah Dugsiyada Hargeysa.


Sannadkan waxa u fashiistay tiradii ugu badnayd imtixaanaadka shahaadiga ah, waxaana soo gebagebeeyay Khamiistii 16 Jun 2022, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Sayniska ee Somaliland, Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), oo si rasmi ah u soo xidhay Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Hoose – Dhexe iyo Sare ee sannad-dugsiyeedka 2021/2022 ee Somaliland.

Laxidhiidha: Somaliland Tiradii Ugu Badnayd Ardayda Oo Imtixaanaadka Shahaadiga U Fadhiistay Iyo Madaxweynaha Oo Ka Hadlay


37,348. ayaa loo qorsheeyay in ay u fadhiistaan Sabtidii toddobaadkan, balse waxa u fadhiistay arday tiradoodu ka badan tahay 37 Kun oo isugu jira Wiilal iyo Hablo dhammaystay waxbarashada Dugsiyada H/Dhexe iyo Sare.
Ardayda u fadhiistay Imtixaanka Dugsiyada Hoose- Dhexe ee Somaliland , ayaa sannadkan tiradaa ka noqnay ku dhowaad 23, 000, halka Dugsiyada Sare ee Somaliland ay u fadhiisteen 14,428 Arday oo isugu jira 8,262 wiilal ah iyo 6,166 hablo ah, tan ayaa muujinay in faraq yar u dhexeeyo hablaha iyo wiilasha dugsiyada sare ee sannadkan.


Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada ee Somaliland, waxa uu booqda, isla markaana kaga dhawaaqay in lasoo xidhay imtixaankii socday muddada lixda maalmood ah, Dugsiga Sare ee Waran-cadde ee Bariga Magaalada Hargeysa, isagoo markaa ka hor ku jiray kormeer uu ku doonayay inuu ugu kuur-galo qaabka ay Arkaydu imtixaanka ugu jiraan iyo ilaalada hawl-wadeennada wasaaradda waxbarashada u xil-saaran sugnaanshiyaha imtixaanka.

Dugsiyada uu sida gaarka ah ugu kuurgalay Wasiirku waxa ka mid ahaa Dugsiga Hoose dhexe iyo sare oo ay imtixaanadka ku gelayeen Ardayda baahiyaha gaarka ah qaba, kuwaas oo waxyaabaha ay tabanayaan Wasiirku sheegay in ay wax ka qabanayaan, iyadoo Ardaydu ka mahad sheegtay wasaaradda iyo xafiiska imtixaanaadka qaranka oo sid how ula shaqeeya.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland, Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) oo kormeeya Arday Imtixaanka u fadhida 16 Jun 2022, mid ka mid ah Dugsiyada Hargeysa.


Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada jamhuuriyadda Somaliland, oo warbaahinta la hadlay waxay si qotodheer uga warbixiyeen qaabka uu u soo bilowday Imtixaanku iyo qaabka uu ku soo dhamdaay, waxayna Aradydii Imtixaanka gashay u rajeeyeen guul, waxaana kormeerka qayb kahaa gobollada dalka oo dhan Wasiir ku xigeenka Cabdikariim Siciid Bustaale iyo saraakiil wasaaradda iyo xafiiska imtixaanadka qaranka ah.

Alt: Araweelo News Network
Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Daa’uud Axmed Faarax, oo ka hadlaya xidhitaanka Imtixaanka shahaadiga ee sanand-dugsiyeedka 2021-2022, Image Araweelo News Network.


Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Daa’uud Axmed Faarax oo warbaahinta la hadlay, ayaa dhankiisa sheegay in sannadkan Imtixaanaadku aad uga fududaa sidii hore loogu diyaarin jiray, iyadoo tusaale ahaan sida uus heegay Dugsiyada Sare fasalada koobaad ilaa afraad ay imtixaanka ku muujin jireen, balse aannay sannadka sidaa samayn oo fasalka Afraad u badnaa imtixaanku, iyagoo eegaya duruufo baddan oo ay Ardayda u khafiifiyeen,


Hase yeeshee, wuxuu xusay in haddana inkasta oo si nabadgelyo ah uu ku dhammaaday dalka dhan Imtixaanaadku ay dareemayeen wasaarad ahaan iyo xafiis ahaan inuu ka hawl badnaa imtixaanadii hore ee ay hore u qaadi jireen,”Imtixaanka kumaanu adkayn ardayda sidii sannadii hore, wuxuuna noqday kii nooqgu dhibta badnaa,”ayuu yidhi, Daa’uud, isagoo sabab uga dhigay adeegsiga Mobile-ka iyo qishka oo soo noqday , wallow ay hore ugu jireen dagaal ka dhan ah in Ardaydu adeegsato Mobile iyo qish, balse wuxuu xuisay Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka, Daa’uud Axmed Faarax in arrinta qishka iyo Mobileda loo baahanyaahay in talaqaran laga yeesho.


Dhinaca kale, Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Hoose- Dhexe iyo Sare ee Somaliland oo sannadkan ay u fadhiisteen tiradii ugu badnayn oo wadar ahaan noqonaysa 37,348 Arday, ayaa guud ahaan ba gobollada iyo degmooyinka dalka ka bilaabmay 11 June, 2022 oo ku beegnayd Sabtidii toddobaadkan.


Guud ahaan Somaliland, waxa sannadkan imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada H/Dhexe iyo Sare u fadhiistay 21,077 arday oo wiilal ah iyo 16,271 Arday oo Gabdho ah oo wadar ahaan noqonaya 37,348 arday, iyadoo tiradani muujinayso inay sannadkan imtixaanka ugu fadhiisteen tiradii ugu badnayd ee Ardayda Dugsiyada H/Dhexe iyo Sare ee Somaliland.


Tirada Guud ee Ardayda sanandkii hore 2020-2021, u fadhiisatay Imtixaanadka shahaadiga ah, ayaa aahyd guud ahaan Somaliland, 32,849 Arday, kuwaas oo isugu jiray 19,175 Wiil iyo 13,674 Hablood.


Sidaa darteed wxay Hablaha Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada dalka Jamhuuriyadda Somaliland ee Hoose -Dhexe iyo Sare u fadhiistay sanandkii hore ka noqonaya tirada guud ee Ardayda 2,597, halka tirada Wiilashuna tirada guud sannadkii hore 2021 ay imtixaanaadka shahaadiga u fadhisiteen 1,902 wiilal ah.


Somaliland, waxa sannnad walba kordha Ardayda u fadhiista imtixaanaadka, marka loo eego sannadkii hore, balse tirada korodhka ayaan ahayn mid xajmi weyn, iyadoo ay jiraan duruufo dhaqaale oo sababay in aannay Arday baddan deegaanada dalka qaarkood iyo weliba magaalooyinka waaweeyn aannay helin fursado waxbarsho, ama duruufo dhaqaale ay dabreen, halka deegaamada qaarkood, sida deegaanka Ceeryaan oo ka tirsan Magaalada Ceergaabo dhawr sannadood uu xidhan yaahay dugsigoodu, taas oo sababtay in aannay caruurta ku nool deegaankaasi helin waxbarasho iyo caafimaad. Sidoo kale waxa jira qaar ka mid ah deegaamada Bariga oo dadka qaar abaarta dheeraatay awgeed ka hayaamay deegaankii ay deganayeen taasina ay sababtay in caruurtu aannay helin fursad ay kusii wadaan waxbarashadooda.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com