Araweelo News Network


Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha Cali Xaamud Jibriil Oo Soo Bandhigay Kaadhkiisa codbixinta

Hargeysa (ANN)- Wasiirro xukuumadda ka tirsan, ayaa beeniyey warar qaar ka mid ah warbaahintu ka baahiyeen oo sheegayey inay waayeen kaadhadhkoodii codbixinta kadib markii laba laba jeer is-diiwaangeliyeen.
Wargeysyada Waaheen iyo Somalilandtoday oo ka soo baxa Hargeysa, ayaa cadadoodii soo baxay shalay waxay ku baahiyeen in wasiirro ka soo jeeda Gobolka Awdal oo kala ah; Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha, Cilmibaadhista Iyo Tignoolojiyada Md. Cali Xaamud Jibriil, Wasiirka Waxbarashada Md. Cabdillaahi Ibraahim Habbane, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Md. Maxamed Cabdillaahi Obsiiye iyo Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Md. Maxamuud Sh. Cabdillaahi Cige ay waayeen kaadhadkoodii codbixinta doorashada oo kaga gubtay is-diiwaangelintii hore oo ay ku celceliyeen.
Haseyeeshee, laba ka mid ah wasiirradan oo la hadlay warbaahinta , ayaa meesha ka saaray jiritaanka warkaasi, iyagoo sheegay inay sharciga la tiigsanayaan wargeysyada ka baahiyey been-abuurka.


Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha, Cilmi-baadhista iyo Tiknoolajiyada Md. Cali Xaamud Jibriil oo qaar ka mid ah warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa shalay, ayaa soo bandhigay kaadhkiisa codbixinta ee uu ka soo qaatay magaalada Boorama hawlgalka Guddiga Doorashooyinku ku qaybinayaan Gobolka Awdal kaadhadhkii loo soo daabacay dadkii hore isu diiwaangeliyey.
Wasiir Cali Xaamud waxa uu shaaca ka qaaday inuu maxkamadda la tiigsanayo wargeysyada ka qoray warkan oo uu ku tilmaamay inay ku gafeen magaciisii iyo sharaftiisiiba, waxaannu yidhi, “Anigu cid kale eedaymaayo laakiin jaraa’id soo qoray oo ah Waaheen iyo Somalilandtoday labaduba been aan sal iyo raad toona lahayn ayey qoreen, waana waxa ay caadaysteen inay dadka iyo dalkaba been ka qoraan, anigu waxaan caddaynayaa kaadhkii codbixintu waakaa (inta uu gacanta sare ugu qabtay) labada wargeys ee waxan iga qorayna sharciga ayaan la tiigsanayaa, garyaqaan baan qabsanayaa oo maxkamad baan la tiigsanayaa labadoobada, waayo qof bay shakhsiyadiisii iyo magaciisiiba ku gafeen.”
Sidoo kale, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Md. Maxamed Cabdillaahi Obsiiye, ayaa isna ku tilmaamay been aanay waxba ka jirin warka laga qoray, maadaama aannu isba diiwaangelin oo uu dalka ka maqnaa waqtigii diiwaangelintu ka socotay dalka.
“Markii la is-diiwaangeliyey anigu dalka waan ka maqnaa oo maan joogin, Golaha Wasiirrada xukuumaddana kamaan mid ahayn waqtigaa, sidaa darteed, meesha uu ka keenay is-diiwaangelin buu ku laba-celiyey jaraa’idkan waa in la waydiiyaa, hay’adaha sharcigana waxaan ka codsanayaa jaraa’idka waxan daabacay way arkayaane, hore ayey qolooyin wax iska qoreen agaasimaha guud iyo wasiirka ayaa isku dhacay iyo saxeex buu ka joojiyey, waanu u gudbinay hay’adaha sharciga, tallaabo ay ka qaadeena ma hayno weli, saxaafaddu waxay leedahay anshax ee in lagu xad-gudbo maaha, haddii lagu xad-gudbo Wasaaradda Warfaafinta, Xeer-ilaalinta iyo CID-da waxaan odhan lahaa tallaabo in laga qaado weeye, suxufigu waa inuu qoraa war sugan ee maaha inuu baahiyo been iyo mala’awaal,” ayuu yidhi Wasiir Obsiiye, waxaannu isagoo hadalkiisa sii wata intaa raaciyey, “Wasiirrada halkan ku qoranina sida Madaxweyne-ku-xigeenkuba u soo qaatay ayuun bay kaadhadhkooda u soo qaateen intii joogtay, laakiin anigu dalka waan ka maqnaa, wasiirna maan ahayn, ismaanan diiwaangelin oo maba codayn karayo ee haddii iminka la diiwaangeliyo ayuun baan codayn karaa.”