Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ahna murrashaxa xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in cod-bixintu tahay awoodda ugu weyn ee muwaadiniintu isbeddel siyaasadeed kaga dhallin karaan dalkooda Somaliland.
Guddoomiye Cirro oo hadal ka jeediyey xaflad loo sameeyey xafiis xisbiga WADDANI ka samaystay degmada Gacan-libaax ee caasimadda Hargeysa, waxa uu tilmaamay in aan halganka isbeddel-doonka ah ee ay wadaan ku istaagi karin xadhig iyo cabudhin ay adeegsanayso xukuumadda KULMIYE.
“Waxa aannu KULMIYE leenahay haddii aad dadka wada xidhaan iyo haddii aad dadka wada laysaan halganku wuu soconayaa, annaguna doorasho ayaannu rabnaa, waxa aynu doonaynaa in aynu hannaankeena ku beddelno hab dimuqraadi ah oo xabbad ku beddeli mayno ee codkeena ayeynu ku beddelaynaa. Waxa aad ogaataan awoodda ugu weyn waxa leh muwaadinka, awooduna waxa weeye codkiisa, codka ayuun baynu wax ku beddeli karnaa, markaa waxa aynu doonaynaa in aynu codka dhallinyarada wax ku beddelno oo dawladnimada ku wanaajinno oo caddaaladda ku wanaajinno, mustaqbal iyo rajona ugu soo celino dalka,” ayuu yidhi murrashaxa xisbiga WADDANI.
Waxaannu intaas ku daray; “Somaliland waxa ay caan ku ahayd oo dunidu inoogu soo joogsatay in aynu ku dhaqannay hannaanka dimuqraadiga ah, in aynu ku dhaqannay xorriyatul-qawlka oo madaxbannaan, maanta intiiba KULMIYE wuu baabiiyey. Qofkii juuq yidhaahdaba waa la xidhayaa, saxaafad ha noqdo amma masuul xisbi ha noqdee, waxa ay caadaysteen inay xidhaan, qof walba waxa xorriyad siiyey dastuurka. Lama aqbali karo, lamana yeeli karo in shacbiga laga qaado xorriyadooda.”
Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, ayaa sheegay in Somaliland u baahan tahay in laga badbaadiyo xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisa talada haysa, waxaannu yidhi; “Dhallinyarada annagu u ballanqaadi mayno in aannu qaad siino, idiin ballanqaadi mayno in aannu lacag idin siino, laakiin mustaqbal wanaagsan ayaannu u ballanqaadaynaa dhallinyarada. Somaliland waxa ay maanta u baahan tahay in la badbaadiyo oo laga badbaadiyo KULMIYE, waxa aynu doonaynaa in aynu dadka u soo celino rajadii iyo caddaaladdii, waxa aynu doonaynaa in aynu horumar u soo celino, waxa aynu doonaynaa in dalka wixiisa iyo hantidiisa qaranba loo ilaaliyo oo wax lagu kordhiyo mooyaane aan waxba laga qaadan, haddii Ilaahay yidhaah.”
Waxa kaloo uu tilmaamay in xisbiga WADDANI uu bulshada u hayo barnaamij ballaadhan oo lagu horumarin karo Somaliland, waxaannu yidhi; “Waxa aannu idiin haynaa barnaamij ballaadhan oo siyaasi ah oo loogu talogalay dhallinyarada, waxaanan jecelnahay in aad akhridaan barnaamijka siyaasiga ah ee xisbiga WADDANI oo aydun si wanaagsan u daristaan, wixii aad su’aallo haysaana na weydiisaan, wixii aad talo haysaana ku soo dartaan.”