Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa xabsiga kasii deysay Xildhibaan Maxamed Axmed ( Dhakool) oo ciidanka Boolisku xabsiga u taxaabeen, 10 May 2019, isagoo goor habeen ah ku sugnaa gurigiisa magaalada Hargeysa.

Xildhibaan Dhakool oo ka mid ah mudanayaasha golaha Wakiilada kaga jira gobolka Sool, ayaa muddo bil dhawr maalmood ah ku xidhnaa Hargeysa, iyadoo lagu eedeeyay inuu ku gefay jiritaanka qaranimada Somaliland, kadib markii maalinta sida weyn looga xuso Somaliland ee 18 May, ku tilmaamay maalin madaw.

Xadhiga Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool, ayaa abuuray muran dhinaca sharciga ah oo dhexmaray golaha wakiilada Somaliland iyo xafiiska xeer Ilaalinta qaranka oo dalbatay in xasaanada looga qaado si ay maxkamad u geeyaan xildhibaanka, balse gudida joogtada ah ee golaha Wakiiladda Somaliland ayaa ku tilmaamay arrintaa mid aan sharci ahayn oo aan waafaqsanayn dastuurka.

 Warbaahinta, oo isku dayday in ay wax ka weydiiyaan Xildhibaan Dhakool sida uu arko inuu xoriyadiisa helay, balse wuxuu mudane Dhakool diiday inuu arrintaa ka hadlo.

Sii deynta xildhibaan Dhakool, ayaa ku timi waan-waan laga galay xadhigiisa iyo sidii uu xoriyadiisa u heli lahaa oo ay ka Odayeeyeen Xildhibaano ka tirsan labada gole iyo shaqsiyaad kale, sida uu warbaahinta u sheegay maanta u sheegay Xildhibaan  Siciid Maxamed oo ka mid ahaa dadkii la socday markii Xildhibaanka lasoo daayay saaka ee xoriyadiisa uu helay, iyadoo aan maxkamad la hor geyn mudadii uu xidhnaa.