Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa dacwad ka dhan ah heshiiska saldhiga Millateri ee dhowaan xukuumadda Somaliland la saxeexatay dalka Imaaradka u gudbisay maanta Maxakamada Sare ee distuuriga ah ee dalka.

ay u gudbiyey nuqulka dacwado ka dhan ah Xukuumadda KULMIYE, taas oo uuka guddoomay guddoomiye Maxakamada Sare Md Aadan Xaaji Cali

Masuuliyiinta Xisbiga WADDANI oo afaafka Maxakamada Sare kula haddlay war-baahinta ayaa faah-faahin ka bixiyey nuxurka dacwadaasi ka dhanka ah Xukuumadda KULMIYE ee ay u gudbiyeen Maxakamada Sare ee dalka oo uu ka guddoomay guddoomiye Maxakamada Sare Md Aadan Xaaji Cali.

Xuseen Axmed Caydiid oo ka tirsan Saraakiisha Xisbiga WADDANI oo war-baahinta la haddlay, wuxuu isagoo sharaxaad ka bixinaya nuxurka dacwadda ay gudbiyeen yidhi, “Arrintaas saldhiga oo run ahaantii aynaan hayn heshiis cad oo somaliland la saxeexatay dowlada imaaraadka carabta tuhumo badanina ay jiraan sida war-qadaa ku qoran in soomaaliya lala galay ayay muujinaysaa oo waxan loo qarinayo ee heshiiska loo keeni la’yahay wuu yahay waxaan inaga inagu koobnayn ee ina dhaafsiisan ee waxa la inagala haddlayaa ay tahay uun gacan ku haynta yar ee aynu Berbera gacanta ku hayno sidii la inooga meel marsan lahaa uun weeye, lakiin cid heshiiska lala galay tuhunka ugu weyni uu yahay in Soomaaliya lala galay, waa taas saxaafad caalamka qorayso , waata aad ka war haysaan in hanti dhawrihii guud ee Soomaaliya uu ka waramay ee uu yidhi “waxa saxaaxday Xukuumaddii meesha ka tagtay”,taas dhibaatada ay leedahay ee ay Xukuumaddeenu inaga dhigayso maamul goboleed yar oo marka heshiiska xagii sare lala qaatay heshiiska inagana gacan ku haynta yar uun la inaga laaluushayo , horta inta lala dhuumanayaa waa intaas,Haddii aanay taasi jirin Xukuumaddu waxa weeye bilo ayey waxan weday bilaah ay weday wax dhan ayey keeni lahayd oo ay soo dhammaysatay oo ay leedahay waa heshiiskaa,qodabadiisu waa kuwaa hebel iyo hebel ayaa saxeexay, waxaas ayaan xuquuq ku leenahay waxaas ayaa waajib la inoogu leeyahay ayey keeni lahayd, markaa madaama taa lahayn ta la qaadanayaa waxa weeye ta ay koonfuri sheeganayso ee ay leedahay dowladayadii hore ayaa saxeextay ee jaraa’idkaa iyo war-baahinta caalamka oo dhammi ay sheegayaan in arrinta Soomaaliya lala galay ayaa runtii xaqiiqdu noqonaysaa”Ayuu yidhi Siyaasi Xuseen Axmed Caydiid.

Siyaasi Xuseen Axmed Caydiid oo haddalkiisa sii wata ayaa yidhi, “Markaa dhibaatooyinka uu leeyahay saldhigaasi iyo saamaynta taban ee uu ummadda ku yeelan karro ee uu Xisbiga WADDANI ka soo diyaariyey daraasada cilmiyeysan , ayaa waxa la kala ilaalinayaa dadka iyo daraasadaa, arrintaas oo uu markaa wasiiru dowlaha arrimaha guduhu war-qad ka soo saaray burinaysa qawaaniinta iyo qaraar hore oo maxakamadeed oo yaaley labada lidi ku ah ayaad ka war hayseen oo Xisbiga WADDANI lagaga xidhay madashii uu ku soo bandhigi lahaa cilmi baadhista”Ayuu yidhi Xuseen Axmed Caydiidi.

Xuseen Axmed Caydiid ayaa ugu dambayntii faah-faahin ka bixiyey dacwad ka dhanka ah Xukuumadda ee ay u gudbiyeen Maxakamada Sare waxaanu yidhi “Ta Maanta aanu ka dacwoonaynaa waxa weeye waa cilmi baadhistaa la soo bandhigi lahaa ee ay is hortaagtay Xukuumaddu , iyadoo meel kaga dhacday oo ku gefaysa distoorkii iyo qawaaniintii axsaabta iyo qaraarkii ay maxakamadu hore uga gaadhay arrinkaasi , mar dambe ayaanu keenay taa, haddii alle yidhaah waxaanu rajaynaynaa qaraar dimuqraadiyad anfaca, qaraar u hiiliya ummadda iyo cadaalada u hiiliyay, qaraar meesha ka saara si xuna waan yeelay haddan waan qarsanayaa in tayda laga haddlona cidi yeelimayso, taa wax buriya ayaan rajaynaynaa inuu ka soo baxo.”

Dhanka kalena waxa isna halkaasi ka haddlay ugu dambayntii Xoghahaya guud ee Xisbiga WADDANI waxaanu ku bilaabay haddalkiisa “Waxaanu maanta u nimi markii labaad in aanu dacwaad ka dhan ah xukuumadda aanu u geyno Guddoomiyaha Maxakamada Sare , runtii markii hore sifiican ayuu ka yeelay qoraal ayuu soo saaray sida ay shuruucda dalku dhigayaan in lagu shiri karro oo uu meel walba xisbigu uu ku shiri karro, nasiib darro rag indho lah oo dhego’la oo dalka maanta madax ka ah oo leh waanu haysanaa ayaa maalin walba iyagoo shuruucdii wadanka aan raacay wixii uu caqligoodu yidhaahdo soo qoraya oo dul maaya masaakiintii iyo dadkii lahaa hudheelada waa weyn iyo Xisbiyad uu qaranku u ogolaa inuu wax naaqisho”Ayuu yidhi Uur Cade.

Xoghaye Uur-cade ayaa intaasi ku daray”Waxa la diidayaa waxa weeye saldhiga Berbera, xisbiga WADDANI cid uu diidi karta iyo cid noo diidi karta in aanu ka haddalno ma jirto cid aanu ka yeelaynaana ma jirto,meel walba waan ku qabanaynaa meel- walba waan kaga haddlaynaa waa dalkayagii waa wadankayagii “

Ugu dambayntii Xoghaye Uur-cade ayaa Xukuumadda baaq u diray, isagoo sidoo kale soo badhiga war-qad ka soo baxday imaaraadka carabta oo fashilisay in heshiiska dhaxakl wareejinta madaarka Berbera ay dowlada muqdisho saxeexday “Waxa la bixinayaana waa waxaa uu caalamku sheegayo , waxay u haystaan in ay keligood ogyihiin, waxaanu ka codsanaynaa xukuumadda maanta ku amar kutaaglaynaysa dalka in ay si cad u soo hordhigto Golaha waxay leedahay waxaanu ku soo saxeexnay DUBAI ee Madaxweyne ku-xigeenku sheegayo ee wasiirka arrimaha debbadu sheegayo ee ay ku faanayaan qaranka cidii lahayd lagama qarin karro cidooda cida la siinayo, waxaanu codsanaynaa in la soo hordhigo golayaasha qaranka oo golaha wakiilada la horkeeno oo ama la ansixiyo ama la diido , haddii taa la diido waa qayra sharci Xisbiga WADDANI-na marna aqoonsan maayo marna aqbalimayno in waxaan ogayn aanu aqbalno oo dalkayaga lagu bixinayo”Ayuu yidhi, Xoghaye Uur-cade.