Hargeysa(ANN)-Xukuumadda iyo Xisbiyada Qaranka Somaliland, ayaa ku kala qaybsamay kulan la doonayay in xal lagaga gaadho arrimaha dabray doorashooyinka Somaliland ee golayaasha wakiiladda iyo kuwa deegaanka.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici oo hoggaanka xisbiga KULMIYE ka socday iyo Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng: Faysal Cali Waraabe, ayaa kulankooda maanta uu kusoo dhamaaday in laysku mari waayo waxyaabihii la doonayay in laga gaadho heshiis.

Xisbiga Waddani oo warbaahinta la hadlay kulankaa kadib, ayaa sheegay in kulankaasi aanay wax natiijo ahi ka soo bixin, islamarkaana xisbiga Kulmiye aanu la imanin wax tanaasul ah, balse uu miiska soo saaray in kominshanka doorashooyinka  laba xubnood lagu daro marka doorashadan soo socota la qabto, taas oo Waddani sheegay in aanu marnaba aqbali doonin.

Dhinaca kale Guddoomiyaha xisbiga Ucid oo isna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xisbigoodu uu doonaayo in doorasho dhacdo 2019-ka, wuxuuna eedeymo u jeediyey xisbiga Waddani oo uu ku sifeeyay mid aan danta qaranka ka shaqaynayn.