Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Wasiirka Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa ku wareejiyey Komishanka Doorashooyinka Qaranka lacag dhan $1,200,000 (hal milyan iyo laba boqol oo kun oo doollar), taasoo ah lacag ka hadhsanayd dhaqaale xukuumaddu u ballanqaaday Guddida Doorashooyinka.
Xaflad lacagta lagula kala wareegay oo ka qabsoontay xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee caasimadda Hargeysa, waxa goob-joog ka ahaa Wasiirka Maaliyadda marwo Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka Madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Md. Cabdiqaadir Iimaan Warsame, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka iyo Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe ee Somaliland, iyadoo lacagta dhan $1,200,000 ay qayb ka tahay kharashka loogu talogalay qaybinta kaadhadhka codbixiyeyaasha ee ka bilaabmay dalka dhamaadka bishii April ee sannadkan 2017.
“Waxa aanu a ku bixinaynaa $1,200,000, (hal milyan iyo laba boqol oo kun oo doollar), waxa halkan jooga Baanka Dhexe oo isaguna xaqiijinaya in lacagtaasi ay ugu shubaan Accoun-ka Komishanka Doorashooyinka iyo Xisaabiyaha Guud oo isaguna soo diyaariyey Milyan iyo labadii boqol ee kun ee dollar.” Sidaa waxa tidhi marwo Samsam Cabdi Aadan.
Waxa kaloo ay sheegtay in aanay Somaliland waxba u dhoofin dibadda, isla markaana aanay lahayn wax-soo-saar dalka gudihiisa ah, balse ay dibada wax kala soo degto, sidaa darteedna ganacsatada waddanku ay doonayaan inay koobkii shaaha ah ku iibiso doollar, Wasiirka Maaliyadda, ayaa arrintaas ku tilmaantay mid laf-dhabar u ah sicir-bararka ka taagan dalka Somaliland, iyadoo ballanqaaday in aanay xukuumad ahaan waxba hagran doonin sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka sababta u ah sicir-bararka.
Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Md. Cabdiqaadir Iimaan Warsame, ayaa uga mahadnaqay xukuumadda Somaliland sida ay uga hawlgashay, ugana qayb-qaadato doorashooyinka iyo diiwaangalinta dalka.
“Waxaannu ugu mahadnaqaynaa Wasiirka Maaliyadda marwo Samsam sida ay uga hawlgalaan qaabkan doorashadeenu u socoto oo run ahaantii mid hawl badan ah, waxa kaloo aanu uga mahadnaqaynaa run ahaantii qaabkii ay dawladdu uga qaybqaadatay isdiiwaangalintii oo run ahaantii ahayd mashruuc aad u weyn oo aynu ku soo guulaysanay,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinku.
Waxa kaloo halkaas hadal ka jeediyey Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo fariin u diray Masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaridka, isagoo tilmaamay in doorashada Somaliland aanay lacag la’aan u baaqan doonin.
“Munaasibadan aynu isugu nimmi ee Guddida Doorashooyinka Qaranka ay ku wareejinayso Wasiirka Maaliyaddu lacagtii ka dhinnaatay, waanu ku bogaadinaynaa Wasiirka hawsha fiican ee runtii ay qabatay, iyadoo amarkii Madaxweynaha fulinaysa,” ayuu yidhi Md. Maxamuud Xaashi Cabdi.
“Farsamo ahaan doorashada waxa masuul ka ah guddida doorashada, Madaxweynaha qaranku waxa uu leeyahay Masuuliyada guud oo qaranka oo dhan, masuul ayuuna ka yahay ‘Head of State’, balse dad badan ayay ragganimada gabigeeduba ay kaga soo ururtay xin iyo dacaayad warbaahin lagaga hadlo, way sahlan tahay in qof la dhaliilo, lana caayo oo biyo la qudhqudhiyey way ka sahlan tahay, laakiin waxay u baahan tahay in hadalka loo miidaan dayo oo uu caddaaladda salka ku hayo, xaqiiqona uu ku fadhiyo.
Xisbiyada Mucaaridka iyo dhammaan taageerayaasha xisbiyada Mucaaridka waxaannu u caddaynaynaa in dalkan doorasho ka dhici doonto xiligii loogu talogalay Ilaahay idamkii, waxaannu u caddaynaynaa in aanay lacag la’aan u baaqanayn doorashooyinka Somaliland, waxaanu leenahay kuwa wali ka welwelsan ee leh muddo ayaa la kordhinayaa, waar bishu hortiina ayey iman doontaa baanu leenahay ee caloosha u sii daaya oo ragga siyaasadda qoolaaliyaya waxaannu leenahay miciin ha ka dhiganina oo ha jeedaalinina inay wax kordhayaan iyo shaki iyo malo’awaal ee si nadiif ah u tartama,” ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyada Somaliland.