#Araweelo_News_Network.

Hargeysa(ANN)- Xuska Munaasibadda 32 guurada kasoo wareegtay markii ay Somaliland lasoo noqotay madaxbanaanideeda shirkii 18 May Burco ee 1991, ayaa si weyn looga dabaaldegay guud ahaan Somaliland, iyadoo munaasibadda laysugu soo baxay fagaarayaasha magaalooyinka waaweyn ee Caasimadda Hargeysa, Burco, Boorama, Berbera Ceergaabo iyo Caynaba oo ka mid ah gobolka Sool.

ALt: Araweelonews

Gaadiidka Gaashaaman iyo hubka culus ee casriga ah ee lagu soo bandhigay xuska munaasibadda sannad-guurada 32aad ee 18May 2023, Hargeysa, Image Araweelo News Network

ALt: Araweelonews

Gaadiidka Gaashaaman iyo hubka culus ee casriga ah ee lagu soo bandhigay xuska munaasibadda sannad-guurada 32aad ee 18May 2023, Hargeysa, Image Araweelo News Network

Sidoo kale, degmooyinka iyo Tuulooyinka ayaa laga dareemay xuska munaasibadda oo sannadka kusoo beegmay xilli ay dagaalo ka soconayaan Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Soo, waxaana isugu soo baxay dhamaman Magaalooyinka waaweyn iyo deegamada kale ee geyiga Somaliland kumanaan qof oo si weyn u sugayay maalintan, kuwaas oo lulaya calanka saddexda midab leh ee Tawxiidku ku xardhanayahay oo muuqaalkiisa iyo haybadiisu sababtay inuu soo jiito xataa kuwa aan u dhalan Somaliland iyo qof walba oo ishiisu ku dhacdo.

ALt: Araweelonews

Gaadiidka Gaashaaman iyo hubka culus ee casriga ah ee lagu soo bandhigay xuska munaasibadda sannad-guurada 32aad ee 18May 2023, Hargeysa, Image Araweelo News Network

Alt: Araweelonews

Dammaashaadka xuska 18My, ee Magaalada Hargeysa, oo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyomasuuliyiinta qaranku kala qaybgaleen kumannaan qof oo shacbiga Magaalada Hargeysa ah, waxa fagaaraha lagu soo bandhigay cudud ciidan iyo saamnad Millateri oo muujinayay awoodda qaranka 32 jirsaday leeyahay, waxaana fagaaraha ka muuqday hub casri ah oo ay Somaliland leedahay iyo gaadiidka gaashaaman.

Ciidamada kala duwan ee dalka sida Milateriga Kamaandoosta, Asluubta, ilaalada Xeebaha, Laanta socdaalka iyo Booliska, ayaa gaardis iyo gaaddo-ka ciyaar farsamooyin ciidan ku dheehan yihiin fagaaraha kusoo bandhigay, kuwaas oo uu halkaas salaan kaga qaatay Madaxweynaha Qaranka.

Alt: Araweelonews

Gaadiidka Gaashaaman iyo hubka culus ee casriga ah ee lagu soo bandhigay xuska munaasibadda sannad-guurada 32aad ee 18May 2023, Hargeysa, Image Araweelo News Network

Masuuliyiinta xukuumadda iyo hoggaamiyayaasha Axxsaabta Mucaaradka iyo kuwa Ururada ayaa kala qaygalay munaasibadda Burco, Ceergaabo, Boorama, Berbera iyo magaalooyinka kale, waxayna dhammantood ka jeediyeen khudbado la xidhiidhay ahmiyada ay maalintan u leedahay qaranka iyo dariiqii dheeraa ee halganka ee loo soo maray xuska maalinta 18May.

Please share with your friends the news and information provided by   Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com