“Ragga dheel-dheelayow dagaalku wuu soconayaa ilaa iyo taako Somaliland ah cadowgu ku jiro, intuu doonaba ha qaatee,” Madaxweyne Biixi Oo Ka Haldayay Munaasibadda xuska 18May 2023

#Araweelo_News_Network.

Hargeysa(ANN)- Jamhuuriyadda Somaliland,Muuse Biixi Cabdi, oo kumanaan shacbiga Magaalada Hargeysa maanta kula hadlayay fagaaraha lagu xusayay munaasibadda sannad-guuradda 32aad ee 18May, ayaa ka hadlay xaaladda dalka iyo dagaalaka Laascaanood.

ALt: Araweelonews

xuska munaasibadda sannad-guurada 32aad ee 18May 2023, Hargeysa, Image Araweelo News Network.

Munaasibadda oo Madaxweynaha ka sokow ay ka qaybgaleen Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Seylici), guddoomiyaha gollaha guurtida, guddoomiyaha maxkamadda sare, guddoomiye ku kuxigeenka gollaha wakiillada, Madaxweyne ku xigeenadii hore, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan,  siyaasiyiin, diblomaasiyiin iyo haldoor kala duwan oo ka socday dalalka deriska iyo waddamada ay Somaliland saaxiibka yihiin iyo marti-sharaf kale oo tiro badan,

 

Dammaashaadka xuska 18May, waxa fagaaraha lagu soo bandhigay cudud ciidan iyo saamnad Millateri oo Qarankani leeyahay, iyada oo hay’addaha wax soo saar ee dalka, degmooyinka caasimadduna soo bandhigeen wax soo saarkooda iyo horumarka ay sameeyeen.

 

Ciidamada kala duwan ee dalka sida Milateriga Kamaandoosta, Asluubta, ilaalada Xeebaha, Laanta socdaalka iyo Booliska, ayaa gaardis iyo gaaddo-ka ciyaar farsamooyin ciidan ku dheehan yihiin fagaaraha kusoo bandhigay, kuwaas oo uu halkaas salaan kaga qaatay Madaxweynaha Qaranka, sidoo kalena ay ciidamada kala duwani soo bandhigeen gaadiid dagaal oo casri ah iyo saannad kale oo muhiim u ah Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland leeyahay.

Munaasibadda ayaa laga arkayay dhaaltus weyn oo muujinaya cudadda ciidan ee Somaliland, taas oo u muuqatay farriin ku socotay caddawga Somaliland iyo cid kasta oo qaranka soo holliya qaranimadeeda.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhankiisa khudbad dhinacyo baddan taabanaysa u jeediyey bulshada reer Somaliland ee dabbaaldegga ugu jirta maalinta Qaran, waaxana ugu horrayn hambalyo iyo boggaadin u diray ciidamada kala duwan ee dalka iyo shacabka, isagoo ugu hambalyeeyay maalinta Qaran ee 18 May oo maalintii dalkani xorriyaddiisa dib ula soo noqday.

 

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu si addag uga hadlay gardarrada joogtada ah ee maamulka Puntland ku hay xuduuddaha Qaranka Somaliland, isagoo hoosta ka xarriiqay in aannay Qaran ahaan cidna ka aqbalayn in taako ciiddiisa kamid ah cidi gardarro kusoo doonato, islamarkaana ay difaaci doonaan,

 

“Sababta shantii Soomaaliyeed mid kasta halkiisii maanta loogu ixtiraamayo ee Somaliland xadkeeda qudha ay Puntland iyo reerka deggeni ugu soo riyoodeen qayb kamid ah Somaliland baannu goosanaynaa oo aannu hab qabali ah u goosanaynaynaa waa wax iga dhaadhici karin” ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi.

 

“Ama shanta Soomaaliyeed xuduudahoodu way wada burburi, haddii ay Somaliland oo qudha tahayna waannu difaacaynaa inta taako kamid ah xadka Somaliland uu cadow Soomaaliyeed ku jiro Abkuu doono ha sheegtee.” Ayuu yidhi.

 

Madaxweyne Biixi, wuxuu xusay inuu dagaalka difaaca ahi sii socon doono inta cadowgu docodocaynta ku wado qaranka Somaliland, “Ragga dheel dheelayow dagaalku wuu soconayaa ilaa iyo taako Somaliland ah cadowgu ku jiro, intuu doonaba ha qaatee, dalkana waanu xoraynaynaa, ninna dulmiyi mayno, ninna ku xad-gudbi maynno,”

 

 

Dhinaca kale, Madaxweyne Biixi, wuxuu ka hadlay arrimaha doorashooyinka, isagoo sheegay inay diyaar u yihiin sidii ay doorashootinku u qabsoomi lahaayeen, balse wuxuu ka digay cid kasta oo aaminsan in beesha caalamku farogelin ku samayso doorashooyinka Somaliland iyo habka nidaamka Dimuqraaddiga ah.

 

“Anigu halkan doorasho iyo wixii shacabku oggolaadeen iyo sharciyad baan ku joogayaa, ka iga dambeeyaana intaas buu ku joogayaa, kuwii naga horreeyeyna sunne wacan bay inoo jeexeen, waxaynu u diyaar garoobaynaa doorashooyinkii, beesha caalamkuna doorashooyinkayaga soo farogelin mayso, kamana taliso oo sharcigayaga ma farogeliso, ninka u qayshadaana waa nacas.” Ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi oo farriintiisa doorashooyinku ku socotay Beesha Caalamka iyo Axsaabta Mucaaaradka.

Please share with your friends the news and information provided by   Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com