Muqdisho(ANN)-Xukuumadda Dawladda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa waajahday mudahaaradyo ka dhacay maanta magaalada Muqdisho, kadib markii ay dadweyne cabanayay isugu soo baxeen degmooyinka qaarkood.

Dadka, ayaa ku dhawaaqayay erayo ka dhan ah Farmaajo iyo Kheyre oo ay ku eedeeyeen in ay magaalada soo gelisay ciidan dowlado shisheeye ay tababareen,  kuwaas oo ay sheegeen in ay  geysanayaan dilal iyo dhac.

Dibad baxyada ugu ballaadhan waxay ka dhaceen Afarta degmo oo kala ah Boondheere,Shibis,Shangaani iyo Xamarweyne, waxay u badanaayeen dumar iyo dhalinyaro,  kuwaas oo ah kuwa ugu badan ee uu saameynta ku reebay bandowga dowladdu soo rogtay.

Sidoo kale, dadka mudaharaadyaya, ayaa sitay sawirrada Madaxweynaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,  iyagoo dhulka dhigay boodhadhka lagu dhajiyay sawirrada madaxda ugu sarraysa dowladda Federaalka, waxayna ku dhawaaqayeen Farmaajo ha dhaco iyo erayo kale.

Dhinaca kale, dibad baxa, ayaa kusoo beegmay, iyadoo maalinba maalinta ka dambeysa ay sii kordhayso tirada uu so ridanayo cudurka Covid-19 ee dalka Soomaaliya.

Warbixintii ugu dambeysay ee ay soo saartay wasaarada caafimaadka ee Soomaaliya, ayaa muujinaysa in cudurka laga helay 62 qof oo 24 saac ee ugu dambeysay, waxayna taasi guud ahaan muujinaysaa in Sooamaliya laga helay xannuunjka COVID-19, tiradii ugu badnayd oo hada  gaadhay 390 qof.

Waxaa dhanka kale sii koradhay tirada dhimashada cudurka oo imika mareysay 18 qof ka dib markii ay 24 saac ee ugu dambeysay ay dhinteen 2 qof.

Wasaarada caafimaadka ee dawladda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa sheegtay in tirada dadka kasoo bogsaday cudurka ay imika gaadhayso 10 qof.

Xukuumadda Dawladda Federaalka ee Soomaaaliya, ayaa 21April 2020, waxay shaacisay tiradii ugu badnayd ugu dhimatay cudurka COVID-19, taas oo ahayd 6 qof oo maalin keliya u dhintay Coronavirus.

Dhinaca kale, dalalka ay jaarka yihiin Soomalaiya sida  Kenya ayaa waxay dowldda kordhisay waqtiga bandowga oo lagu daray 21 maalmood oo kale, iyadoo tirada ilaa iyo imika la xaqiijiyay in uu cudurka ku dhacay 336. Qof.

Waxaana dalka Kenya u dhintay caabuqa Covid-19, dad gaadhaya 14 qof,  halka 94 ay ka bogsadeen.

Dalka Djobuti, oo ah dalka tirada ugu badan uu cudurka soo ritay gobolka,  ayaa tiradoodu korodhay, waxayna kor u dhaaftay 1000 qof, waxaan cudurka u dhimatay ilaa iyo imika 2 qof.

Halka Dalka Ethopia, ay tirade kor u dhaaftay 122 qof,  halka dhimashada ay mareyso 3 qof, walaw aan meelo badan oo dalka Ethiopia ah la ogayn xaaladda dhabta ah ee Coronavirus,