Riyaad Oo Dalkeeda Ka Caydhisay Dublamaasi Xukuumadda Yemen Ee Abd Rabbuh Mansur Hadi Ka Tirsan

Riyadh (ANN)- Dowladda Boqortooyada Sucuudiga, ayaa sheegtay inay diyaar u tahay hagaajinta xidhiidhkeeda Iran, balse waxay ku doodday inaanay Dahran u muuqan mid rabitaankan la wadaagta Riyadh.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Sucuudiga Adel al-Jubeir, ayaa sida ay soo warisay Wakaaladda Wararka Andulus ee Turkiga, ayaa sheegay in haddii weerarka Ceelashooda Saliidda lagu qaaday Iran ku caddaado ay muujisay dagaal, inkastoo uu ku tilmaamay dirirta doorashada u dambaysa.

“Waxaannu doonaynaa inaannu xidhiidh wanaagsan la yeelanno Iran, laakiin, Iran waxaannu kala kulannay geeri iyo burbur, haddii la xaqiijiyo inay Iran ka dambayso weerarradii gantaalaha ee toddobaadkii u dambeeyey lagu qaaday Xarumahayaga Saliidda, taasi waxay u muuqanaysaa ficil dagaal.” Sidaa ayuu yidhi al-Jubeir.

Cadel oo la hadlayey Telefeshinka SKYNews, wuxuu intaas ku daray; “Waxaannu rejaynaynaa in si kastoo ay noqoto aannu ka fogaanno dagaal. Ahmiyaddayada ugu horreysaana waa inaannu dalkayaga dib u habayno.”

Wuxuu al-Jubeir ku adkaystay inay u muuqato in weerarka Iran sabab u ahayd. “Waayo? Weerarku wuxuu ka yimi dhinaca Waqooyi.” ayuu hadalkiisa ku daray.

Hadalka Al-juberi wuxu meesha ka saarayaa caddaymo hore oo ay sheegayeen inay hayaan Maraykanka iyo Xulufadiisu, kuwaas oo aan lagu caddayn inay weerarradu ka yimaaddeen Waqooyi iyo Waqooyi-galbeed midna.

“Waxaannu diyaar u nahay wax kasta oo ay nagu qaadato inaannu iska difaacno gantaalaha iyo weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, dagaalkuna waa ikhtiyaarka ugu dambeeya, waa doorashada ugu dambaysa.” ayuu yidhi Al-juber.

Dhinaca kale, dowladda Sucuudigu waxay dalkeeda ka eriday Mutaher Enan oo ahaa Sarkaal ka tirsan dowladda dibed-wareegga ah ee Yemen ee Sucuudiga iyo Xulufadiisu taageeraan, Sarkaalkaas, ayaa loogu baaqay inuu dalka Sucuudiga iskaga baxo.

Go’aankaa Sucuudiga, ayaa yimi ka dib markii uu Ninkan oo la-taliye u ah Madaxweynaha Yemen uu Xulufada ku eedeeyey xaaladda dalka Yemen ee hadda oo uu sheegay inay Imaaraadku qayb ka yihiin dagaalka lagula jiro Xukuumadda Sharciga ah ee Abd Rabbuh Mansur Hadi.

Mutahir, ayaa ku eedeeyey Imaaraadka inuu taageeray Jabhadda gooni-u-goosadka Koonfurta Yemen. Waxaanu sidaa ku sheegay qoraal uu dhigay barta uu ku leeyahay Twitter-ka.

Isbahaysiga Sucuudigu hoggaamiyo ee dagaalku kaga socdo labada dhinac ee Koonfurta iyo Waqooyiga dalka Yemen, ayaa doonaya inay Dagaalyahannada Xuutiyiinta ka riixaan Maamulka Magaalada Sanca ee ay gacanta ku hayaan. Balse Sucuudiga iyo Imaaraadka ayaa isku khilaafsan xaaladda kale ee ka soo korodhay Koonfurta Yemen ee gooni u goosadka Cadan.

Geesta kale, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, ayaa sheegay in cidda ka masuulka ahayd weerarkii ugu horreeyey ee lagu duqeeyey dalka Yemen ay leedahay masuuliyadda weerarkii lagu qaaday Xarumaha Saliidda ee Sucuudiga.

“Yaa ugu horreeyey ee duqeeyey Yemen? Haddii ay jawaabta su’aashan la heli karo, waxaan rumaysanahay inaan gaadhayno go’aan ah in qodobka hadda jiraa yahay mid cadho leh.” sidaa ayuu yidhi Erdogan oo ay Shir Jaraa’id wada qabteen Madaxweyneyaasha Ruushka iyo Iran Isniintii maanta.

Hadalka Madaxweyne Erdogan waxa loo fasirtay markuu ka hadlayey duqaymaha, inuu farta ku fiiqayo Boqortooyada Sucuudiga iyo Xulufadeeda.

Sidoo kale, Madaxweynaha Iran Hassan Roahani, ayaa sheegay inay u arkaan weerarkaas sucuudiga lagu qaaday inuu ahaa mid is-difaacid ah. “Dadka reer Yemen waxay samaynayaan wax kasta oo ay ku difaacayaan xuquuqdooda iyo sharciyaddooda, weerarraduna waxay jawaab celin u ahaayeen weerarrada sannadaha badan Yemen lagu hayey.” ayuu yidhi Rouhani.

Kooxda Xuutiyiinta ah ee ka dagaallanta dalka Yemen, ayaa sheegtay inay weerarka lagu qaaday Ceelasha Shidaalka iyo Wershadda Saliidda sifaysa ee Sucuudiga iyagu ka dambeeyeen, isla markaana waxay soo bandhigeen inay gaadheen qaraar nabadeed, haddii Sucuudigu danaynayo, taas oo ay Qaramada Midoobay iyo Maraykanku soo dhaweeyeen.

Hadal laga sii daayey Telefishanka ayaa gudoomiyaha Golaha Sare ee Siyaasadda Xuutiyiinta Mahdi Al-Mashat, waxa uu ku sheegay in ururku diyaar u yahay inuu joojiy dhamaan weerarada uu ku hayo Sucuudiga haidii Boqortooyadu sidoo kale yeelayso, haddii lagu diidana ay iyaguna xaq u leeyihiin inay ka noqdaan go’aankan.

Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Yemen Martin Griffiths, ayaa soo dhaweeyey hakinta weerarrada ay Xuutiyiintu ku dhawaaqeen, isla markaana waxa uu ku baaqay in xal siyaasadeed oo degdeg ah la gaadho, lagana faa’iidaysto fursadan Xoogga Yemen ee Xuutiyiintu xalka u arkeen.

Sida laga soo xigtay Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa, dagaalka sokeeye ee Yemen ka socda waxa ku dhintay 10,000 oo Ruux, halka ay Malaayiin Qof macaluul iyo nafaqa-darro soo food-saartay, Boqollaal kun oo kalena ka barakaceen dalkoodii, waxaana lagu tilmaamay arrintan duruuftii ugu xumayd ee dad-samee ah ee ku habsata Dadka reer Yemen.