Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Suldaan Maxamed Cabduqadir oo ka mid ah Saldanadaha ugu facaweyn Somaliland, ayaa ugu baaqay Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI Inay is dejiyaan oo la sugo Natiijada laga sugayo Komishanka Doorashadda Madaxtooyadda Somaliland ee qabsoontay Isniintii 13 Nov 2017.

Suldaani Maxamed Cabduqaadir oo la hadlay maanta Telefishnka HC Tv, wuxuu sheegay in aan cidna laga baryayn nabadgelydada, isagoo Komishanka usoo jeediyay Inay dhameeyaan wixii cabasho ah.

Halkan Ka Daawo Warka Suldaanka.