Hargeysa(ANN)-Sareeye Guuto Faarax Maxamed Mire (Faarax Tabbeelle) oo ah Taliye-ku-xigeenka Booliska Somaliland, ayaa ka hadlay koox dablay ah oo weerar kusoo qaaday saldhig Boolis oo ku yaal Magaalada Boorama.


Taliye Faarax oo warbaahinta kula hadlay maanta Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Koox Dablay hubaysan ah oo Suldaan Wabar oo hore Jabhad uga abuuray deegaanka uu masuul ka yahay weerarka ay kooxdaasi kusoo qaadeen Saldhigga dhexe ee magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Sareeye Guuto Faarax, waxa uu sheegay in xubno ka tirsan Dablayda hubaysan ee weerarka soo qaadday ay Ciidanka Saldhigga ay soo weerareen ku sugnaa gacanta ku dhigeen oo la qabtay, si wacanna ay ciidanku isaga difaaceen, isla markaana ay dhinaca Xadka Itoobiya u tallaabeen kuwii kale oo la baacsaday.

Taliye ku-xigeenka Booliska Somaliland, Faarax Tabbeelle oo ka warramaya sida weerarku u dhacay, ayaa sheegay waaberigii xalay amma xilli uu ku qiyaasay abbaaro afartii subaxnimo ee Isniinta, weerarku dhacay, kaas oo uu sheegay in aanu wax khasaare ah geysan.


Dhinaca kale, Malayshiyo uu sameeyay dhawr sannadood ka hor Suldaan Abubakar Cilmi oo ku magacdheer Waber, kula dhuumanayay Buuraleyda xuduuda u dhaxaysa Somaliland iyo Ethioppia, muddo laba sanadood ah, ayaa ugu danbayntii isa soo dhiibay 2015, kadib markii xukuumaddii Axmed Siilaanyo soo af-jartay arrintaa.