Tukaraq(ANN)-Taliyaha ciidanka Qaranka Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, ayaa booqday fadhiisinka ciidanka qaranka ee kulaalaya xadka ay Somaliland la wadaagto Maamul goboleedka Soomaaliya ee xaruntiisu tahay magaalada Garoowe.

Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani oo ay weheliyaan saraakiil ka mid ah hogaanadda ciidanka Qaranka, ayaa maanta gaadhay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyay in ujeedada booqashadiisu tahay kormeer hawl ciidan.

Socdaalka Taliyaha ciidanka Qaranka Somaliland ku tegay Tukaraq, ayaa lagu sheegay sidii uu qaar ka mid ah Saraakiisha ku sugan fadhiisinka hore ee ciidanka u gudoonsiin lahaa Billadaha geesnimada oo Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi u qoondeeyay.

Sareeye Gaas Taani, ayaa markii uu booqday fadhiisinada ciidamadda ee jiida hore, wuxuu kormeeray saldhigyada ay ku suganayihiin ciidanka Qaranka Somaliland, isagoo kulamo la yeeshay saraakiisha ciidamada ee ku sugan fadhiisimada hore.

Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, oo booqday fadhiisinka ciidanka qaranka ee Tukaraq 14 July 2020. Araweelo News Network.

Mar uu Taliye Taani, ka hadlayay xaaladda amniga, wuxuu uga digay maamulka Puntland ee Soomaaliya in ay faraha kala baxaan deegaamada Somaliland, wuxuuna isagoo arrimahaa ka hadlaya yidhi, “Somaliland waa dal ku dhisan nabad, siyaasada ciidankana waxa hagta siyaasada dawladda, dhawaaqyo ayaan maqlaynay maalmahan, Qolada jaarkayaga ah ee Puntland waxan leenahay aynu nabad ku wada noolaano, xad ayaa inaga dhexeeya xadka Somaliland iyo Soomaaliya maaha mid lagu murmayo maaha, markay isku darsanayeen laba xad ayay kala lahaayeen annaguna ma nihin kuwo xadkaa dhaafaya, laakiin haddii xadkayaga lasoo farageliyo kuwa ka jawaabaya ayaanu nahay, markhaatiyaal ayay leedahay, xadkayagana cidna ka magansan mayno, waxaana ku raadinaynaa si nabadgelyo ah, waana siyaasada dawladdayada, markaa waxan leenahay qolada Puntland waar damaca iska daaya, damacu waa waxyaabaha laysku dilee, oo aynu nabad ku wada noolaano oo dadku is dhex socdaan.” Ayuu yidhi, Sareeye Gaas Taani oo hadal kooban warbaahinta siiyay.

Dhinaca kale, waxa uu sheegay in dhowaan shaqaaqo ka dhacday deegaanka Ceegaag, isla markaana ay ciidanka Qaranka Somaliland xasilooni iyo nabad kusoo celiyeen deegaanka, balse wuxuu sheegay in ay xilligan wasiiro ka socda maamulka Puntland ku suganyihiin Buuhoodle oo ay doonayaan in ay fadqalalo ka huriyaan, isagoo yidhi, “Waar waxan idin leenahay si deg deg ah uga baxa oo dinkoo nabadqaba iskaga baxa.”

Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani oo socdaalkiisa xilligan ku macneeyay kormeer, ayaa ugu hanbalyeeyay Ciidmadda Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland sida ay qarankooda u ilaalinayaan, wuxuuna ku taxay saraakiisha loo qoondeeyay ee ku sugan halkaa billado, isagoo sheegay in billad geesidu ay wax aad u wayn ku soo kordhinayso ciidamadda isla markaana ay ku dhiiri galinayso in inay sii xoojiyaan difaacida Qarankooda.