Araweelo News Network

US President Donald Trump (L) and former president Barack Obama talk on the steps of the US Capitol after inauguration ceremonies, Washington, January 20, 2017. (Photo by AFP)


Washington(ANN/Albawaba) Madaxweynaha Dalka maraykanka Donald Trump oo ka hadlayey xaalada uu kula macaamilayo Kuuriyada Waqooyi iyo Suuriya ayaa sheegay inay muhiim tahay in Bashaar Al Asad ogaado in aanu ahayn Brack Obama oo kale, isla markaana uu dejinayo khad cas oo uu kaga hortegayo Bashaar Al-asad iyo Xukuumadiisa.
Donald Trump oo u waramayey Shabakada wararka ee FOX NEWS ayaa sheegay inuu ku cibro qaadanayo fashilaadii uu Brack Obama ka sameeyey sanadkii 2014 ballanqaadkiisii ahaa inuu khadka cas kaga hortegayo Bashaar Al asad markii uu shacabkiisa u isticmaalay hubka kiimikada ah, laakiin aanu ballanqaadkiisii fulin oo u adeegsan ciidamada Maraykanka sidii la doonayey, sida uu Trump hadalkiisa u dhigay.
‘Anigu ma ahi Madaxweyne Obama oo kale oo aan ballantiisa fuinayn,’ sidaa waxaa waraysigiisa ku sheegay Madaxweynaha Dalka maraykanka Donald Trump isagoo intaa raaciyey in xiisadda Kuuriyada Waqooyi ay tahay arin khatar ku ah Maraykanka iyo Xulafadiisa koonfur/bari Asia, isaguna aanu jeclayn inuu khariiradaha qaarkood casaan mariyo, laakiin uu yahay hogaamiye samaynaya dhaqaaqiisa marka ay baahida dhaqaaqaasi taagan tahay.
Hussein kurdi
xogtadunida.com