Araweelo News Network.

Istanbul(ANN)Wafuud ka kala socotay Ruushka iyo Ukraine ayaa magaalada Istanbul ee Turkiga kusoo gaba gabeeyay wadahadalo fool ka fool ah oo xal loogu raafinayo d0agaalka socday 34-ka Maalmood.
Wadahadalada dawladda Turkigu martigelisay,Waxa goob-joog ka ahaa Poland, Israel, Canada iyo Turkiga oo doorka ugu weyn martigelinta leh.
 
Moscow waxa ay sheegtay in ay si aasaasi ah u dhimi doonto howlgallada weerrada ah ee u dhow maglaada caasimadda Kyiv iyo Chernihiv, iyagoo sabab uga dhigay si kor loogu qaado kalsoonida wadahadalada dheeraadka ah ee u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine.
Hase yeeshee Kyiv waxay ku dooday  in dhexdhexaadnimada iyo beddelka dammaanadda amniga, ay soo jeedinay in lagu xalliyo khilaafka Crimea 15 sano gudahood iyada oo loo marayo wada xaajood laba geesood ah.

Ballanqaadka Ruushka ee ah inuu hoos u dhigayo hawlgallada milatari ma aha xabbad joojin, ayuu yidhi madaxa wada xaajoodka Moscow ee wadahadallada kula jira Ukraine.
Wararka tooska ah ee Russia-Ukraine, waxa dirba walaac ka muujiyay Maraykanka oo ku booriyay Ukraine iyo dhexdhexaadiyayasha in laga digtoonaado balanqaadkii Ruushka.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa shaki ka muujiyay ballanqaadka Ruushka ee ahaa in la dhimo dhaq dhaqaaqa millateri ee ka socda magaalooyinka muhiimka ah ee Ukraine.

Arrimahan ayaa kusoo beegmay xilli maalmihii u danbeeyay toddobaadkan Millateriga ruushku xoojiyay garaacista magaalooyinka muhiimka ah.

Sidoo kale, dalalka Yurub oo si dhab ah dagaalku saamayn ugu yeedhay dhaqaale ahaan iyo amni ahaan, ayaa walaac ka muujiyay tallaabooyinka Maraykanka ee cunaqabataynaha oo xaaladda dhaqaale ee Yurub si gaar ah u taabtay, iyadoo shan toddobaad oo dagaalku socday toddobaadkiiba 1.5 milyan ka cararaya dagaalku gelayaan dalalka jaarka, taas oo walaac weyn iyo culays dhaqaale kusoo kordhinay dalalka qaabilaya qoxootiga malayiinka reer Ukraine ee xudduudaha ka talaabay.
 
 

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com