Araweelo News Network

Mohamed Mohamoud Hashi
Gudoomiyaha ururka qareenada ee Somaliland

Hargeysa(ANN)-Ururka Qareenada Somaliland ee loo soo gaabiyo SOLLA, ayaa qaab sharci ah uga Jawaabay doodaha dhinaca sharciga ee Ka dhashay magcaabista guddida Culimada Somaliland.

Qoraal saxaafadeed uu soo saaray Garyaqaanka guud ee Qaranka Oo ku taariikhaysnaa 12\6\2017, waxa uu isagoo doodaha dhinaca sharciga ee arrimtaa Ka dhashay Ka Jawaabaya sheegay inaanay jirin guddi culimo oo uu madaxwaynuhu magacaabay, balse wuxuu ku dooday in uu madaxwaynuhu magacaaabay guddidi soo xulaysay guddida culimadasi oo ka kooban 4 xubnood laba guurtida ah iyo laba xukumada ah.
Garyaqaanka Guud ayaa Jawaabtaa bixiyay Kaddib Ururka Qareenada Somaliland Oo dhaleeceeyay dariiqa dhinaca sharciga ee loo maray magcaabista guddida Culimada.

Hase yeeshee Guddoomiyaha ururka qarenada Somaliland isaga oo ka jawaabaya difaaca Garyaqaanka guud, wuxuu Qoraal Saxaafadeed uu soo saaray xalay ku yidhi sidan:-

“Horta magacaabista guddida culimada waxa lagu baahiyey warbaahinta madaxbaanan dadkoo dhamina way akhristeen, waxa kale oo lagu baahiyey bage face booga e afhayeenka madaxtooyada waxaana warbahintu soo qortay xubnaha guddida culimada oo ka kooban 12 xubnood oo magaca agaasimihoodii wata, qaar ka mid ah guddida culimada e la magacaabay baa BBC da la xidhiidhay oo sheegay inay iska casileen waxaanay ahayd arin ay si cad warbaahintu u baahisay 10\6\2017

Warkaasi anaga warbaaahinta ayaa noo soo gudbisay warbaahintuna waxay ka mid tahay meelaha ay dadwaynuhu ka helaan warka , haddaba haddii aanay jirin magacaabista guddidu waxay ahayd inay beeniyaan oo ay yidhaahdan ma jirto wax aanu magacownay oo may beenin waxa kale oo warbaahinta ka hadlay una xaqiijiyey magacaabida guddida wasiirka diinta iyo awqaafta, aniguna waxaanu kaliya tilmaanay sharciyada loo marayo magacaabida guddida culimada oo khilaafsanayd dastuurka qaranka jamhuuriyada Somaliland.

Arrinta kale ee garyaqaanka guud sheegay ayaa ah in madaxwaynuhu magacaabay guddidii soo xulaysay guddida culimada waa arin iyana qayra dastuuri ah sababtoo ah sida uu tilmaamayo Qod.119 e dastuurka qaranka jamhuuriyada Somaliland guddida soo xulaysa guddida culimada waxa soo magacaabaya xukuumadda iyo golaha guurtida xubnaha ka imanaya golaha guurtida waxa soo xulaya golaha golaha guurtida waxaana lagu soo xulaya fadhi gole oo golaha guurtida ayaa ka fadhiisanaya xataa shirgudoonku ma soo xuli karo waayo Qod 119 e dastuurku wuxu sheegaya gole erayga golena waa layaqaan sharci ahaan waxa uu yahay waxaana lagu magcaabaya fadhi gole laakiin xaq uma laha madaxwaynuhu inuu magacaabo guddida e waxa kaliya oo uu soo magacaabaya xubnaha ka socda dhinaca xukumada e golaha wasiirada waxaanu qodob u dhiganyahay sidan:-

QODOBKA 119

Magacaabista Xubnaha Gudida Culimada

1- Xubnaha guddida culimad waxa soo magacaabaya guddi laga soo cayimo golaha xukuumadda iyo golaha guurtida oo is-tiro le’eg, waxaana oggolaanaya golaha guurtida.

2- Guddida culimadu iyagaa iska dhex dooranaya guddoomiyaha iyo guddoomiye-ku-xigeen.

Magacaabida Guddida culimada waxa ka horeeya in la sameeyo xeerkii lagu maamulayey guddi culimada sida ay tilmaamayan Qodobada 12,122 e dastuurka jamhuuriyada Somaliland waxa sharci ah in hayad kasta oo dastuuri ah lagu aas-aaso xeer oo ka hor inta aan la magacaabin xubnaha xeerkoodii la sameeyo waana qayra sharci in la magacaabo iyada oo aan la samayn xeerkii lagu maamulayey Guddida Culimada .

Garyaqaanka guudna waxaan leenahay waa in xukuumaddu ka hor intaanay wax magacaabin kula tashato oo ay talo sharci ku waydiiso e maaha in lagu yidhaa difaac wax qayra dastuuri ah oo aan marka hore lagaala tashan.

Ugu danbayn waxaan leenahay anagu madaxwaynaha wax aan jirin kamaanu sheegin mana jeclin inaanu dhaleecayno waayo wuxuu huwanyahay madaxwaynuhu sharaftii iyo karaamadii ummada reer Somaliland, Basle kaliya waxaanu tilmaamaynaa sifaha sharciga ah in la dabaqo waayo ceebay nagu tahay in dastuurka la ixtiraami waayo oo aan la dabaqin markastana waxaanu urur ahaan u taaganahay dabaqaad iyo saraynta sharciga.

Xukuumadana waxaanu ku waaninayna inay ixtiraamto sharciga oo ay dastuurka qaranka dabaqdo iyada oo ay jiraan khaladaadyo badan oo qayra dastuuri ah oo ay xukumadu qaaday sannadkii u danbeeyey e 2016.

ALLah Mahad Leh

Mohamed Mohamoud Hashi

Gudoomiyaha ururka qareenada ee Somaliland