Share this:

" /> Smiley faceSmiley faceSmiley faceSmiley face
Published On: Wed, Aug 28th, 2019

Warbixin Guud Oo Ciidanka Dab-damisku Kasoo Saareen Khasaarihii Ka Dhashay Roobka Ka Da’ay Hargeysa

Share This
Tags

Hargeysa(ANN)-Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa oo ah ciidanka ugu dedaalka baddan gurmadka dhibaatooyinka ka dhaca Caasimada, ayaa warbixin kasoo saaray roobkii xalay ka da’ay magaalada Hargeysa ee sababay dhimashada saddex qof iyo ku dhowaad labaataneeyo dhaawac ah.

Ciidanka Dab-damiska Magaalada Hargeysa, waxay warbin kooban kaga hadleen khasaaraha habeenimadii ka dhashay roobkaa oo ay si weyn uga hawlgaleen.

Ciidanka Dab-damiska oo ku jira gurmad Hargeysa
Ciidanka Dab-damiska oo ku jira gurmad Hargeysa

warbixinta  samata bixinta khasaarihii  ka dhashay raxmaadkii Eebe ee shalay iyo xalay ku hooray Caasimada Hargeysa  oo faahfaahsan waxay u dhigeen sidan:-

Samata bixinta Nolosha iyo  Hantida.

1-    Degmada Axmed Dhagax aaga masjid Bootaan waxa laga samata bixiyey 5 caruura oo dugsi waxbarasho laga soo fasaxay.

2-    Dagmada 26 june marinka biyaha ee Indha-Deero  Malls  waxa laga samata bixiyey Hooyo,aabo iyo 6 caruura oo ay dhaleen iyo gaadhigoodii.

3-    Dagmada 26 June Dooxa weyn ee Hargeisa waxa laga samata bixiyey 5 qof  gaadhigoodiina daadka ayaa qaadey.

Wadarta guud ee dadka daadka laga reebey waa 18 Qof.

Khasaaraha  Hantida

1-    Degmada 31 xaafada Cabdi Iidaan waxa ku dumey guri waxana ku dhaawacmey laba caruura iyo hooyadood.

2-    Degmada 31 may xaafada boqol-jire waxa ku dumay  10 guri oo kala duwan.

3-    Degmada 31 mey xaafada sheikh Cumar waxa ku dumey 37 Guri.

4-    Degmada Ibraahim Koodbuur  xaafadaha Grand-Haadi Hotel ka danbeeya waxa ku dumey 5 guri waxana ku dhintey 3 qof 2 qofna waa dhaawac ah.

5-    Degmada ibraahim koodbuur xaafada jigjiga yar masjid Daarul iimaan waxa ku dumey guri jiingad ah.

6-    Degmada ibraaim koodbuur Macradka baabuurta iibiya ee Xandule Motors waxa ku dumey hadhkii gaadiidka waxana uu ku fadhiistey 13 gaadhi.

7-    Degmada  ibraahin koodbuur xaafada Xero-awr  waxa ku dumay laba bakhaar oo ay leedahay shirkad  Jameeco weyn.

8-    Degmada Gacan-libaax dhismaha EX Tiyaatarka Hargeisa waxa soo daatey sakhaaradaha dhismaha oo guud ahaanba xanibay socodka gaadiidka mudo 5 saacadood ah.

9-    Degmada Gacan libaax aaga fooqa Buubaa geed ayaa ku fadhiistay meherad ganacsi waana laga jiiday.

Wadarta Guud ee Guryaha iyo goobaha Ganacsiga  waxyeeladu gaadhay 49 guri keliya

Caqabadaha.

Caqabadaha kala duwan ayaa jira kuwaasoo kala ah :

1-    Dhaawacyo iyo burbur hanti aan sugneyn oo meelo kala duwan wali laga soo sheegayo.

2-    Saxmada Gaadiidka oo ay wadayaashu soconayaan iyada oo ay jiraan daadad iyo dabeylo.

3-    Biraha boodhadhka, leydhka iyo jiingadha dhismayaasha kumeel gaadhka ah oo khasaare kala gedisan keeney.

4-    Wacyi galin la,aan bulshada ka heysata  ka gabashada masiibooyinka ee xiliyada dabeylaha iyo daadadkuba jiraan.

5-    Wada shaqeyn la,aan ka jirta shirkadaha leydhka qaarkood kadib markii xaalad degdeg ah lagu wargaliyey.

Baahida Degdeg ah:

1-    Kaalmo caafimaad oo loo fidiyo dadkaan dhakhtarka weyn lasoo gaadhsiin.

2-    Gargaar bani aadanimo oo la gaadhsiiyo dadka guryuhu ka dumeen gaar ahaan raashinka, bustayaasha dhaxanta iyo dib u dhiska hoygooda.

3-     Wax ka qabashada jidadka iyo marinada biyaha ee roobku wax yeeley.

4-    Wax ka qabashada wadayasha biimada ah iyaga oo rakaab sida.

Talo soo jeedin.

Ugu dambayn Ciidanka Dab-demisku wuxuu Talo soo jeedin u soo jeedinayaa dhamaan Cid kasta oo ay khusayso ka hortagga iyo wax ka qabashada  xaaladahan.

1-    In la sameeyo miis iyo guddi si wada jir ah uga hawl gala xaaladaha deg-deg ah si loo mideeyo helitaanka xogta dhiilada iyo hogaaminta gurmadka qeybihiisa kala duwan.

2-    Sixitaan lagu sameeyo saxmada gaadiidka xilliga gurmadka,  helitaanka shaqaalaha shirkaddaha leydhka, wax ka qabashada biraha boodhadhka, iyada oo uu go,aan hore ka soo saarey Madaxweynihii hore Mudane Axmed Max,ed Max,aud Siilaanyo.

3-    In la xakameeyo goobaha aan laga taalbi  Karin xiliyada biyaha daadku rogmanayaan.

Gabagabadii waxaa Ciidanka Dab-demisku u mahadnaqayaa Duqa Caasimada Hargeisa, Badhasaabka gobolka M/jeex, Cisbitaalka guud ee Hargeisa, Ciidanka Booliska qeybihiisa kala duwan iyo Shirkada Sompower kuwaasoo dhamaantood kala qayb qaatay Ciidanka Dab-demiska gurmadkii shalay ilaa xalay ka dhacay Magaalada Hargeysa.

Madaxa Xafiiska Warbaahinta Ciidanka Dab-demiska JSL

Cabdiwahaab Cismaan Toox

Hargeisa/Somaliland

990- Gurmadka Degdega ah ee Dab-demiska

Somalilandfire@gmail.com

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

#8Smiley face

Araweelo is an Associated Network News, The most trusted source for news & Political,investigator report,Human Rights Issues,Educations,Social and Democracy ,Latest News Horn of Africa. runs Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist based in Somaliland.

Chat with us on WhatsApp