Araweelo News Network

MaxamedmuusediriyeHargeysa (ANN) Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay inay jiraan heshiisyo iyo qorshayaal ay wada galeen dawladda Ethiopia oo ku saabsan sidii loola dagaallami lahaa qulqulka tahriibka da’yarta ee ku haligmaya baddaha iyo saxaraha galbeedka Afrika..
Wasiir-ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Md. Maxamed Muuse Diiriye oo warbaahinta la hadlay shalay, ayaa xusay in wadahadallo u socday dawladaha Somaliland iyo Itoobiya dhawrkii bilood ee u dambeeyey diirrada lagu saarayey sidii labada dal iskaga kaashan lahaayeen la-dagaallanka tahriibayaasha, isla markaana la isla gartay in xiddidada loo saaro saldhigga tahriibka oo ah kooxaha mukhallasiinta.
“Saddexdii bilood ee u dambaysay waxaannu Itoobiya ka wada shiraynay tahriibka iyo waxa sababaya waxan, Magafaha iyo waxan lagu sheego waa u hawlbawle hawlahan tahriibta oo duufsanaya dhallinyartan tahriibaysa. Dawladda Itoobiya waxaannu isla meel dhignay in halka sartu ka qudhantay ee xiddidada tahriibta helno oo nimanka Magafayaasha gacanta lagu soo dhigo; hadday halkan joogaan iyo hadday Itoobiya joogaanba.
Hore waannu ugu jirnay in dalalka aynu xadka leenahay aanay tahriibayaashu iskaga gudbin oo aanu qabanno, marka dalalku heshiis ka gaadhaana wuu yaraanayaan isu-socodkaasi.
Dhallinyarada Somaliland dawlad u dhaanta dawladdan u dhalanmayso ayaan u malaynayaa, wasiirro, agaasimayaal,” ayuu yidhi Maxamed Muuse Diiriye.
Dhinaca kale, Wasiir-ku-xigeenku waxa uu jawaab ka bixiyey hadal ka soo yeedhay Taliyaha Laanta Socdaalka Soomaaliya oo sheegay in dhallinyaradii ku dhimatay tahriibka ay fiisayaasha siisay Somaliland.
“Ninka Laanta Socdaalka Soomaaliya haystaa dhawr goor oo uu hadallo ka sheegay Somaliland oo haddana ay raalligelin ka bixiyeen baa jiray, maantana (Salaasadii) hadalka ka soo yeedhay waa wax lala yaabo. Waa la ogaa hawshii aynu ka galnay tahriibayaasha ka imanaya Itoobiya iyo dadaalka aynu ilaa hadda kaga jirno, Itoobiya lafteedu waad ogtihiin dadaalka ay kaga jirto innaga kuwii xaggeenna ka tagay, qaar ay xidhxidhay baa jiray, qaar ay soo celisay baa jiray, Haseyeeshee, tahriibku waa aafo saamaysay caalamka,” ayuu yidhi Wasiir-ku-xigeenku.