Araweelo News Network

warancade1Hargeysa(ANN) Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade, ayaa sheegay in loo balamay xal u helida mashruuca Qool-caday. kadib markii shalay iska horimaad hubaysan ku dhexmaray ciidammo boolis ah iyo kooxo dad hubaysan ah Banka Qool-caday ee degmada Sallaxlay ee koonfurta caasimadda Hargeysa, kaas oo sababay Ugu yaraan shan qof oo dhaawacyo kala duwan gaadheen.

Iska horimaadkan oo ka dhashay kadib markii dhawaan masuuliyiin xukuumadda ka tirsan oo uu horkacayey Wasiirka Xannaanada Xoolaha Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ay riig biyo-soo-saar geeyeen Banka Qool-caday oo uu muran soo jiitamayey muddooyinkan dambe ka taagnaa, ayaa is-rasaasayn dhexmartay ciidammada ammaanka iyo dad hubaysan oo halkaasi ku sugnaa waxa ku dhaawacmay saddex askari iyo laba ka mid ah malleeshiyadii ka soo horjeeday.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Cali Maxamed Warancadde, ayaa ka hadlay iska horimaadkan iyo khasaaraha uu dhaliyey, “Mashruuc biyo-soo-saar ayaa laga bilaabayey degaanka Qool-caday oo ay hoggaaminayso Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo wasiirkeedu, markaa dadka runtii dhanxiir si xun ugu warramay, kadibna halkaasi iska horimaad ayaa ka yimi u dhexeeya Booliska iyo dadka deegaanka, xagga booliska saddex nin baa ka dhaawacmay, dhinaca kalena waxa ka dhaawacmay laba qof,” ayuu yidhi Wasiir Warancadde oo saxaafadda la hadlay shalay.
Waxa kaloo uu xusay in xal laga gaadhi doono arrintan oo ay socdaan wadahadallo ay la leeyihiin bulshada deegaanka, “Meeshiina waanu joognaa iminka (waqtiga uu saxaafadda la hadlayey wax dhibaato ahna kama jiraan. Dadkii qaladkaa fahamsanaana in aannu la hadalno oo loo sheego wixii meesha jiray oo laga saaro qaladkaa ayaannu u fadhinaa iminka, berrina (maanta) waanu ballansanahay oo markaa khayr bay ku dhammaanaysaa insha Allaah,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380